Somali News
    Hees  

Sarkaal u shaqeynayay Hay'adda FOA oo lagu xiray magaalada Baydhabo

Mogadishu Khamiis 6 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sarkaal u shaqeynayay Hay'adda FOA oo lagu xiray magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Bay uu xabsiga u taxaabay sarkaal ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO.

Sarkaalkaan ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada maamulkaasi ay kala baxeen gurigiisa, waxaana sarkaalkaasi lagu magacaabaa Idiris Cabdi Dhakhtar, lamana oga sababta sarkaalkaan loogu taxaabay xabsiga, inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan inuu socdo dadaal lagu sii daynaayo mas'uulkaasi.

Maamulka gobolka Bay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xariga sarkaalkaasi, hase yeeshee sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu ahaa khabiir dhinaca beeraha ah, wuxuuna xarigiisa imaanayaa sarkaalkan ka tirsan FAO iyadoo hay'addan ay dalbatay in la siiyo lacag ka badan 44- bilyan oo dollar si loogu caawiyo saddexda sano ee soo socota Soomaalida baahan.

Dhowr jeer oo horay ayaa degmada Baydhabo loogu xiray saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo aqoonyahanno kale, kuwaas oo markii dambe la sii daayay, sidoo kale weli kama hadlin maamulka Baydhabo xariga sarkaalkaasi.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)