Somali News
    Hees  

Nabadoon xalay lagu Dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Mogadishu Khamiis 6 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Nabadoon xalay lagu Dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa waxay maqribnimadii xalay ku dileen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa oday dhaqameedyada soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka xaafadaasi ayaa saxaafadda u sheegay in oday dhaqameedka lagu dilay inta u dhaxeysa garaash uu soo dhigtay gaari uu watay iyo guriga uu degganaa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

Nabadoonka ayaa la sheegay inay dileen rag bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay Maxamed Maxamuud Yuusuf, kuwaas oo markii ay dileen Nabadoonka ka baxsaday goobtii ay falkaasi kia fuliyeen.

Dhinaca kale 9-kii bishii aan soo dhaafnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dila oday dhaqameed kale oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)