Somali News
    Hees  

Shirkad Diyaaradeed oo duulimaadyo Cusub ka bilaabaysa Gobolada ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM

Mogadishu Arbaco 5 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shirkad Diyaaradeed oo duulimaadyo Cusub ka bilaabaysa Gobolada ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM
 
Waxaa dhawaan la filayaa in duulimaadyo cusub ay ka bilowdo Shirkad lagu magacaabo Horn of Africa Airline, iyadoo shirkadaan diyaaradeed ee cusub ay duulimaadyo joogto ah ku tagayso degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne oo ay ku sugan yihiin ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM.
 
Taliska Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan diyaaradaan cusub ee dulimaadyada ka samaynaysa Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne, waxayna saraakiisha shirkadaan sheegtay in diyaaraddu ay duulimaadyo joogto ah ku tegi doonto maalin walba degmooyinkaasi, taasoo ay AMISOM ku sheegtay inay tahay mid xoojinaysa xiriirka wadashaqeyn ee dowladda iyo AMISOM u dhexeeya.
 
Warbixin ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in Talaadadii bilowday duulimaadyadeeda ay ku tagayso Kismaayo, iyadoo duulimaadyada diyaaradan ay ka billaaban doonaan Muqdisho ayna dib ugu soo laaban doonto maalin walba.

Diyaaraddaan cusub ayaa waxay horay uga soo shaqeysay Somaliland iyo Puntland, iyadoo duulimaadyada ay ku tagayso degmooyinka ay fursad u siin doonto dadkii horay ay ugu suurogeli wayday inay tagaan degmooyinkaasi inay si fudud ku tagaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)