Somali News
    Hees  

Qorshayaasha Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxman Cali Giire

Hargeysa Arbaco 5 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qorshayaasha Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxman Cali Giire

Musharaxa aqoonyahan Mudane Cabdiraxman Cali Giire waxa uu halkan ugu soo bandhigayaa dhamaan muwaadiniinta ku nool caasimada dalka ee Hargeysa Qorshayaashaasha uu hirgalin doono haddii reer Hargeysa ay doortaan oo codkooda siiyaan Qorshayaasha waxa ka mid ah:

  1. Cashuurta D/Hoose waxa la galin doonaa habka casriga oo Computerized ah kaasi oo mehered kasta guri kasta cashuurtii ay bixiyeen cadadkeeda iyo magacoodaba ay ka akhrisan doonaan Website loo samayn doono D/Hoose gaar ahaan qaybtiisa Waaxda Dakhliga Cashuuraha. Sidoo kale cashuurta dadwaynaha laga ururiyo halka aya ku baxdo iyana Website-kaasi ayay kala socon doonaa!!!!!;

  1. Dhamaan Degmooyinka Caasimada waxa D/Hoose ee Hargeysi ka hirgalin doontaa Xarumo Caafimaad oo habeenkii heegan ah ayna ka hawlgalaan xirfadlayaal caafimaad oo aqoon la hubiyay lehi!!!!!;

  1. Taxi-yada Caasimada waxa lagu buufin doonaa midab gaar ah oo lagu aqoonsado sida caasimadaha dunida oo kale!!!!!;

  1. D/Hoose ee caasimada qaabdhismeedkeeda waxa lagu soo kordhin doonaa Waaxda Waxbarashada iyadoo la siin doono dhamaan dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee xukuumada miisaaniyad kabniin ah oo Wasaarada Waxbarashadana lagala shaqayn doono si loo tayeeyo waxbarashada ubadkeena. Waaxdani waxay si joogto ah u kormeeri doonta dhamaan dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaal Caasimada Hargeysa si loola socodo waxa la barayo ubadkeena!!!!!;

  1. Gudiyo Dadwayne ayaa laga samayn doonaa dhamaan degmooyinka iyo xaafadaha caasimada gudiyadaasi oo Golaha Deegaanka Hargeysa kala talin doona arimaha nabadgalyada iyo amaanka khuseeya iyo baahiyaha haysta dadwaynaha ku nool degmooyinka iyo xaafadaha caasimada!!!!!;

  1. D/Hoose ee Caasimadu waxay iyadoo kala shaqaynaysa Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Somaliland daraasad ku samayn doontaa dhamaan xarumaha Cilaajyada loo yaqaano oo ay dadwaynuhu u doontaa caafimaad, daraasadan ayaa diirada saari doonta tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Cilaajyadu iyo hawlwadeenada ka hawl gala goobahaasi, gabogabada daraasadan waxa ka soo bixi doonta siyaasad iyo shuruuc lagu dhaqo xarumaha Cilaajyada iyo adeegyada ay bixiyaan taasi oo D/hoose ee Hargeysi ay hirgalin doonto!!!!!;

Hadaba Muwaadin si qorshayaashaasi uu u hirgaliyo u hur oo u codee Musharax Cabdiraxmaan Cali Giire oo lambarkiisa codayntu yahay 307

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)