Somali News
    Hees  

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisaayo Wasaaradda Cadaaladda. daawo sawirada

Hargeysa Arbaco 5 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisaayo Wasaaradda Cadaaladda. daawo sawirada

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Dhagax Dhigaayay Wasaarada Cusub Ee cadaalada iyo garsoorka Ayaa Waxaaa Ka Soo Qayb galay Madax-weynha Jamhuuriyada Somaliland Mud: Axmed maxamed Maxamuud (silaanyo) Oo Ay Waheliyaan Madax heer Qarana Oo Uu Ugu Horeeyo Wasiirka waasaarada Madax-tooyada Mud: Xirsi Xaji Cali Iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ah na Gudoomiyaha Uruur Siyaasadeedka Wadani Mud C/raxmaan Ismaaciil Cabdiraxmaan (ciro) Iyo Waliba Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyoSidoo kale talyaha Ciidanka boliska Ayaa Waxay Ka dhacday Xarunta Wasaarda Cadaalada Munaasubadani Ayaa Waxaa Hadalo Kooban Ka soo Jeediyay Bowel Briar Oo Ah Madaxa Haayda (unodc) Isaga Oo Sheegay In ay Wax Badan Ka Qaban Doonan Dhankooga Cadaalada Madama Oo Ay Cadaaladu Tahay Ta kaliya Ee Calamka Kala Kaxaysa Ama Laba Qof U Gar qaada Cadaaladu Waa Cudur Kaas Oo Hadii Aan Wax Lag Qaban Fida Ayaa Uu Yidhi Mar Uu Hadlaayay Bowel Briar.

Sida Oo Kale Isna Waxaa Halkaasi Ka Hadlay wasiirka Wasaarada Cadaalada Mud. Xuseen Axmed Caydiid Oo Isna Dhankiisa Sheegay Inay Wax Weyn KA Qaban Doonan Cadaalada Somaliland waxaa Uu U Mahad Naqay Madax weynaha Iyo Waliba Marti Sharafta, wasiirka Oo Hadalkiisa Sii wata Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Madax-weyne Aad Iyo Aad Ayaanu Kuugu Mahad Celinaynaa Dhagax Dhigaaga Wayo Hore Waxaa Loo Yidhi Ninkaad Kabo Ka Tolanayso Kabahisa La eega Markaas waanu Kuu Mahad celinaynaa, madax-weyne Waxaa kale Ee Aan Kaaga Mahad celinyaa Marlabaad inaad marwalba nala hortaagantahay horun marinta cadalada, Sidoo kale daryeel oo ah sharkada ku guulaysatay dhismaha aqalkan oo loo galay tartan waan u mahad celinayaa”.

Sida oo kale Waxaa Munaasibadan Ka hadlay John Mackie Oo ka Socday Safaarda Ingiriiska Isaga Oo Yidhi “ Waxaan Salaamaya Dhamaan Madaxda Somaliland Iyo Waliba Dhamaan Marti sharafta ka Soo qayb Gashay Munaasibadani Waxaan Leenahay dhamaan dadka bila aadanka ah waa in cadaalda loo wada simaa oo mid wal oo wax ka cabanaya loo qabtaa waxa uu ka cabanayo waayo sidaas ayaa uu dalku horunmar ku gaadhi karaa Waanan Ku Farax sanahay Ka Soo Qaybgalka Dhagax Dhigan ”

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Isaga Oo Isna Dhankiisa Sheegay Inay Wax Badan Ka Qabteen Wasaarada Cadaaladu, Cadaalada Somaliland isaga oo ku Dar-dar Galiyay Inay Halkaasi Kasii Wadaan Dadaalkooda wax qabad Oo Ay sii Kordhiyaan Ahmiyada ay u qabaan inay cadaalad sax dalka ku maamulaan ilahayna waxaa uu uga baryay inuu ku taakuleeyo cadaaladaa ay hayaan waxaa kale oo uu hadalkiisa ku daray inay wasaarda Somaliland ay horun mar balaadhan sameeyen intii uu madax weynaha Somaliland iyo xukumadiisu qabteen xilka dalka iyada oo wasaarad walba ay dib u habayn balaadhan u sameeyen waxaana aanu leenahay halkaasi ka sii wada horun marinta dalka, gu danbeeyn waxaa uu u mahad celiyay munasibadan uu madaxweynahu ka soo qayb galay dadkii soo qaban .










Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)