|
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kolonyo gelbineysay gudoomiyaha gobolka Bay oo maraysay duleedka degmada Qansaxdheere
Mogadishu Arbaco 5 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kolonyo gelbineysay gudoomiyaha gobolka Bay oo maraysay duleedka degmada Qansaxdheere
Wararka dheeraad ah oo ka imaanaya deegaanada u dhaxeeya magaalada Baydhabo iyo degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in dagaalo culus oo shalay galab ka dhacay halkaasi ay geysteen khasaare nafeed.
Dagaalka ayaa bilowday markii kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay gudoomiyaha gobolka Bay C/fitaax Geesey ay wadada u galeenMaleeshiyaad Al-shabaab ah xilli ay ka yimadeen degmada Qansaxsheere kuna soo jeedeen magaalada Baydhabo oo xarun u ah Gobolka Bay.
Ilaalada la socotay Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa halkaas ku dhexmaray dagaal culus oo saacad ka badan socday, iyadoo Gudoomiyaha gobolka Bay C/fitaax Geesey oo ka hadlay uu sheegay in dagaalkaas ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xoogaga Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Geesey ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 16-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen 8- kale oo nool, isagoo sheegay inay maydadkaasi ay tusinaayaan saxaafadda.
Dhinca kale sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay khasaare ugu geysteen weerarkaas ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Qansaxdheere kuna socday degmada Baydhabo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|