Somali News
    Hees  

Soomaalida Australia Oo Tallooyin Culus Siiyey R/wasaare Saacid & Xukuumaddiisa

Arbaco 5 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaalida Australia Oo Tallooyin Culus Siiyey R/wasaare Saacid & Xukuumaddiisa

PERTH, Australia - Waxaa isasoo taraya fantasiyaha iyo damaashaadka lagusoo dhawaynayo R/wasaaraha Dalka Somalia Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyadoo munaasabad aan horey loo arag mid loo dhigo ay ka dhacday dalka Australia.

Dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray aqoonyahano, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo mas'uuliyiin ka kala socoday Ururada Bulshada ee Jaaliyadda Soomaalida Australia, ayaa xaflad aad looga soo shaqeeyey ku taageeray Xukuumadda R/wasaare Saacid, iyagoo Xukuumaddiisa cusubna u balanqaaday wada shaqeyn dhab ah.

Waxaa intii ay munaasabbaadi ballaaran socotay madasha ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia Mudane Xasan Maxamed Cigaal (Xasan Dhoombe) waxaana Gudoomiyuhu isagoo ku hadlayey dhammaan magaca Jaaliyadda uu carabka ku dhuftay inay si kal iyo laab ah usoo dhawaynayaan R/wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Saacid iyo Xukuumaddiisa cusub.

Gudoomiye Xasan Dhoombe, ayaa ku booriyey Xukuumadda Saacid inay si sinaan iyo cadaalad ah ku maamulaan dadka iyo dalkaba, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii dalkeena Hooyo loogusoo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambeyntii luntay Labaatameeyo sano ka hor.

Korneyl Cali Yuusuf Aadan (Cali Rinji) ahna Ugaaska guud ee Jaaliyadda, ayaa isna kalmadiisa qaatay, waxaana uu wacad ku maray inay si hagar la'aan ah u garab istaagi doonaan Dowladda cusub ee Somalia, islamarkaana ay muhiimaddu tahay in xukuumadda R/wasaare Saacid ay dhexda u xirato sidii dib loogusoo yagleeli lahaa dhammaan adeegyadii bulshada iyo agabyadii dalku ku dib ugu dhismi lahaa.

Sidoo kale Suldaan Xasan Bayaxow, oo xafladda ka hadlay ayaa hambalyeyn ka dib kula taliyey Dowladda inay ahmiyadda koowaad siiso shaqo abuuris loo samaynayo dadka cilmiga u saaxiibka ah si ay u horseedaan kobcinta aqoonta umaddeena Soomaaliyeed gaar ahaan jiilka haatan soo koraya ee ku dhashay fowdada iyo kala dambeyn la'aanta.

Inkastoo aan halkan lagusoo koobi karin mas'uuliyiinta xafladdaasi qiimaha laheyd ka hadashay, ayaa waxaan ka xusi karnaa, dhanka aqoonyahanada oo ay u hadleen : -

Prof. Maxamuud Daqarre
Dr. Aweys Cumar
Dr. Max'uud Cali Gaas (Dhicis)
Axmed Maxamed Guuleed (Xarawo)
C/risaaq Xasan Deer (Yooco) iyo qaar kaloo badan, iyadoo dhanka Odayaashana laga carabaabi karo.

Aar cabdi Faarax
Xukun Axmed Cabdi
Korneyl Cali Yuusuf Aadan (Cali Rinji) ahna Ugaaska guud ee Jaaliyadda
Suldaan Xasan Bayaxow iyo mas'uuliyiin kale.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Australia, ayaa 100% u riyaaqay Xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyagoo sheegay inay ku hami wayn yihiin in Dowladda cusubi ay majaraha u qabato sidii nabad iyo caano loogu wada nagaadi lahaa guud ahaan gayiga Somalia.

C/risaaq Indhajaceyl
Email : Daauus1@gmail.com
Cell : +27783420920

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)