|
8 Koox oo Xalay u soo gudubtay Wareega 16-ka ee Champions Liguae 2012-2013 vs 8 Koox oo Caawa La sugayo
Mogadishu Arbaco 5 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

8 Koox oo Xalay u soo gudubtay Wareega 16-ka ee Champions Liguae 2012-2013 vs 8 Koox oo Caawa La sugayo
Iyadoo uu soo gaba gaboobay Lugtii Guruubyada ee Furitaanka u aheyd Champions liguae 2012-2013 ayaa Xalay waxaa au soo gudbay wareega 16ka 8 kooxood,halak caawana la sugayo tiro intaasi la mida si 16ka naadi ee soo baxa ay ugu Loolamaan iyagoo isku arki doona min 2 kooxood wareega 16ka oo ah mid xiiso badan.
Hadaba Xalay 8 koox ee u soo gudbay wareega 16ka iyo Guruubyada ay bka soobaxeen waa kuwaan aan soo sheegi doono.waxaana Xusid mudan in Xili ciyaareedkaan laga yaabay Kooxda markaliaya aan dhinaceeda dhulka la dhigin ee Malaga oo ka tirsan $ta Kooxee Spain uga qeybgaleysay Koobkaan waxana ay ku soo baxday 12 dhibcood ka dib markii kulankeedii ugu dambeeyay ee xlay ay 1-1 ku kala tageen Kooxda Anderlecht oo iyadu ugu hooseysay Guruubka C.
4 Guruub ayaa Xalay Ciyaaray waxaan u soo gudbay wareega 16ka Kooxaha kala ah
Guruub A.
PSG 15 dhibcood
FC Porto 13 dhibcood
Guruub B
Schalke 12 Dhibcood.
Arsenal 10 dhibcood
Guruub C.
Malaga 12 dhibcood
Ac Milan 8 dhibcood
Guruub D ( Guruubka dhimashada )
B.Dortmund 14 dhibcood
Real Madrid 11 dhibcood
Kooxaha ku nafbaxay Guruubyada waxzaa laga xusi karaa Man city, Ajex, Chelsea oo caawa hadii aan laga badin Juventus hari doonta,Juventus oo hadii laga badiyo ayna badiyaan Ciyaarteeda Kooxda Chelsea ay iyana ka hari donto Tartanka wareegiisa 16ka.
Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|