Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Turkiga C/lla Guul

Mogadishu Arbaco 5 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Turkiga C/lla Guul

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminaayay oo shalay booqasho ku tegay dalka Turkiga ayaa maanta kulmo la qaatay madaxweynaha dowlada Turkiga Cabdalla Guul.

Kulanka ay yeesheen labada madaxweyneayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab iyo sidii dowlada Turkiga u xoojin laheyd mashaariicda ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga codsaday dowladda Turkiga in bdowladiisa laga caawiyo dhinacyada ammaanka iyo dib u dhiska dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada ay mudada dheer ku soo jireen,wuxuuna uga mahad celiyey Dowladda Turkiga sida uu shacabka tabaaeysan ugu soo gurmaday abaarihii dalka ka dhacay sanadkii hore.

Cabdalla Guul Madaxweynaha Turkiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay diyaar u tahay iney shacabka iyo dowlada Soomaalida ka caawiso soo celinta ammaanka iyo adeegyada bulshada, wuxuuna sheegay iney sii xoojin doonaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta beri ah la kulmo Ra'isul wasaaraha dowlada Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sanadkii hore booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho.







Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)