Somali News
    Hees  

Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo maanta Muqdisho lagu dhaawacay

Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Taraafiko ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawiciisu uu yimid kadib markii taliyaha iyo Askari dowladda ah ay qori isla qabsadeen..

Taliyaha oo dhaawacmay duhurnimadii maanta ayaa ku dhaawacmay agagaarka Xaafada 21-October ee degmada Waabari, iyadoo Dhaawaca Taliyaha la dhigay Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhaawaca taliyaha uu yahay mid aad u fudud.

Askariga dhaawacay Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa askari kale oo ay murmeen taliyaha, taliyaha ayaa ah sarkaalka kaliya ee ugu fir fircoodamn dowladda, islamarkaana mar walba la arko isagoo shaqeynaaya.

Jen. Cali Gaab waxa uu mar walba isku dayaa inuu furo wadooyinka xirma ee ay baaburtu buuxiso, waana nin howlkar ah oo mar walba ka adag howshiisa, xaalada caafimaad ayaa ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana dhaawiciisu waa mid aad u fudud.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)