Somali News
    Hees  

Kooxo hubaysan oo Nin Baadari ah ku dilay magaalada Mandheera

Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo hubaysan oo Nin Baadari ah ku dilay magaalada Mandheera

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in xalay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ay ku dileen nin la sheegay inuu ahaa Baadari.

Baadariga la dilay ayaa la sheegay inuu Baadari ka ahaa mid ka mid ah Kaniisadaha ku yaala magaalada Mandheera, waxaana wadada u galay sida wararka aanu ku heleyno kooxo hubeysan Baadariga isagoo ku socday hoygiisa, waxaana la tilmaamay in dhowr xabadood ay ku dhigfteen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska oo ay ka muuqato caro weyn ay wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan dadkii ka danbeeyay dilka baadariga,hase yeeshee lama soo sheegin ilaa iyo hada cid ay usoo qabteen falka xalay lagu dilay Baadariga.

Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacayay maalmihii udanbeeyay dilalqorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan la garaneyn, waxaana ciidamada Kenya markuu fal dhaco ay iyana ku kacaan dadka rayidka ah ee degan Mandheera, iyagoo ku sameeyay dilal, Jirdil, kufsi iyo Boob hantidooda.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)