Somali News
    Hees  

Itoobiya oo Sheegtay in Wasiiro Ka Socda Wadamada Bariga Afrika Loo soo Dirayo Soomaaliya

Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Itoobiya oo Sheegtay in Wasiiro Ka Socda Wadamada Bariga Afrika Loo soo Dirayo Soomaaliya.

Kulankii ay madaxda bariga Afrika ay ku qaateen magalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay ka doodista in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto dawladaha bariga Afrika ee dhanka dhaqaalaha ku hormaray.

Wasaarada arrimaha dibadda wadanka Itoobiya ayaa soo saartay warsaxafaded la soo dhigay barta ay Internetka ku leedahay in kulanka lagu gooyay sidii guddi heer wasiir ah loogu soo diri lahaa wadankani Soomaaliya si ay u darsan suurta galnimada Soomaaliya inay qeyb ka noqon karto dawladaha bariga Afrika ee dhaqaalha ku hormaray.

Wasarada ayaa sheegtay in dalabka Soomaaliya ay ku doonayso inay ka mid noqoto dawladaha Bariga Afrika ee dhaqalaha ku hormaray ay ka heleen dalabkasi bishi febraayo ee sanadii tagtay.

Waqti hore madaxa dowladaha bariga dhexe ee dhaqalaha ku hormray ayaa waxa uu shaki galiyay sida ay Soomaaliya uga mid noqon karto dawladahasi gobolka.

Warka ka soo yeeray wasaarada arrimaha dibadda dawlada Itoobiya laguma xusin xiliga ay soo gaarayaan gudigaasi heerka wasiir gudaha wadankani Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)