Somali News
    Hees  

Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradaha Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda

Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradaha Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda

Xarunta Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay madaxda iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaraha iyo Wakaaladaha hoos yimaada.

Kulankaan oo uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha guud ee wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradahaasi.

Kulanka oo ahaa mid toddobaadle ah oo ay toddobaadkiiba mar yeeshaan madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi loogana hadlo howl maalmeedka iyo wixii la soo qabtay toddobaadkii tegay iyo qorsheyaasha Wasaaradda ee horyaalla.

Ugu horeyn kulankaasi waxaa ka hadlay Agaasimayaasha iyo khubarada dhinaca badaha, Maareyayaasha iyo howlwadeenada wakaaladaha iyo waaxyaha kala duwan, kuwaasi oo ka hadlay howlaha kala duwan ee qeybahaasi mudadii ay soo shaqeynayeen, waxayna sheegeen in Wasaaraduhu ay gaareen horumar dhinac kasta ah marka loo eego Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha iyo waliba wakaaladaha hoos yimaada inta haatan shaqeysa.

Mas'uuliyiinta waxaa kaloo ay ka warameen xilligii la asaasay Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasaaradda Howlaha guud, taasi oo ay sheegeen inay ku beegneyd sanadkii 1943-kii oo la saasay Wasaaradda Gaadiidka Otobarco iyo Wasaaradda Howlaha guud oo iyana la asaasay 1947-kii kuwaasi howlo kala duwan dalka ka soo qabtay waxayna sheegeen in haatan ay Wasaaradahaasi ka maqan yihiin waxyaabo badan oo hormuud u ah waxsoosaarka dalka sida Gaadiidka Badda Maraakiibta, hantida ma guurtada ah ee dhul iyo guri iyo mida aan ma guurtada ahayn, kuwaasoo haatan ka maqan gacanta Dowladda, waxayna codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo celiyo gacanta dowladda si ay u kaabaan waxsoosaarka iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda mudadii ay soo shaqeynayeen ee loo soo magacaabay xilka oo ahayd sanadkii 2009-kii, wuxuuna sheegay in maanta lagu faani karo waxqabadka madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda, horumar weynna ay tahay in xaruntii rasmiga ahayd ee Wasaaradda ay maanta madaxda iyo shaqaalahaba ku kulansan yihiin, wuxuuna ammaan u jeediyay madaxda iyo shaqaalaha qeybaha kala duwan ee Wasaaradda sida hagar la'aanta ah ee har iyo habeen heeganka ugu yihiin fulinta howlaha Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Md. Muxudiin Maxamed Kaalmooy, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u jeediyay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda oo had iyo jeer diyaar u ah fulinta howlaha loo igmaday, wuxuuna si gaar ah hoosta uga xariiqay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo kulan noocaan oo kale ah oo ay isku soo hor fariistaan madaxda iyo shaqaalaha, isagoo sheegay inay muddo dheer ugu dambeysay shirar noocaan oo kale ah oo looga hadlaayo waxqabadka iyo waxsoosaarka wasaaradaha.

Wasiirka waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dejisay siyaasad cusub ee ku wajahan amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaale ee xukuumaddu mudnaanta koowaad la siiyay in marka hore laga shaqeeyo dhinaca nabadgelyada kaddibna loo gudbo waxsoosaar dhab ah.

Wasiirka waxa uu farta ku goday in mudadii la soo magacaabay iyo wixii ka dambeeyayba uu waday shirar gaar gaar ah iyo qorsheyaal lagu dejinaayo istiraatiijiyad kor loogu qaadayo waxqabadka Wasaaradaha si loo meel mariyo siyaasadaasina ay lagama maarmaan tahay in mar walba la turxaan bixiyo wixii khaladaad ah ee jira lana saxo, wixii horumar ahna lagu tallaabsado, isagoo sheegay in mudnaan koowaad ay siin doonaan dib u soo celinta hantida Qaranka ee maqan sida Gaadiidka, Maraakiibta, Dhulka iyo Guryaha iyo dhammaan hantida Qaranku leeyahay.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa shahaadooyin abaal marino ah halkaasi lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha, maareeyayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradaha Gaadiidka Badda iyo Dekedaha iyo Wakaaladaha hoos yimaada, kuwaasi oo ku muteystay dadaalkii ay muujiyeen.













Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)