Somali News
    Hees  

Kooxda Alshabaab oo Masaajida Baladweyne ku tilmaamay in laga dhigay Kaniisado Kirishtanka ku cibaadeystaan

Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


1. (Dhageyso)

Kooxda Alshabaab oo Masaajida Baladweyne ku tilmaamay in laga dhigay Kaniisado Kirishtanka ku cibaadeystaan.

Culimaa,udiinka Maxkamada Degmada Baladweyne ayaa Maanta koox wariyaal ah geeyay Masaajid ku dhexyaala Xaruunta Maamulka Gobalka Hiiraan halkaas oo ay Kooxda Alshabaab ku sheegtay in Masjidkii loo badalay Kaniisad ka dib ay dadka shacabka ee ku nool deegaanada ay Maamusho ku amartay in ay si qasab ah ugu mudaaharaadaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baladweyne Sheekh C/raxmaan Maxamed Cali oo gudaha Masjidka kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay

" Qofkii halaagsamaaya in isagoo halaaga ucadyahay una bareeraayo ku dhaco kuna halaagsamo qofkii wanaag rabana uu si toos ah u qaato kuna noolaado '"

Masjidka waxaa la dhishay sanadkii 2006 ilaa xiligaas ma jirin wax laga badalay ama lagu kordhiyay wax calan ah kama dul taagna marka laga reebo burburin ay u geysteen kooxda Khawaarijta Alshabaab waxaan u sheegeynaa walaalaheena Muslimka in wax Kaniisadi ayaanu baladweyne ku oolin horane loga furin sidaas waxaa saxaafada ugu sheegay Gudaha Masjidka Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baladweyne Sheekh C/raxmaan Maxamed Cali

Macalim Xasan Cilmi Ciyow waxaa uu ka mid yahay culimada qeybta garsoorka degmada waxaa uu sheegay in Khawaarijta Caqli xumadooda ay ka mid tahay waayo sanad ka hor waxaa ay dhaheen Xaramkii ayaa Dhuusamareeb loo soo raray in midan iyo mid la mid ah ay ku qowlaa wax weyn xagooda kama ahaa laakin waxaan u sheegeynaa Umada Muslimka ah ee Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan dhagarta iyo qiyaamada ay ku wadaan kooxaha Khawaarijta Soomaaliya Joogta.

Mid ka mid ah dadka Jamaacada ah ee ku xirnaa masjidka ka hor intaan lagu burburin qaraxii Alshabaab ee Ismiidaaminta ayaa sheegay in uu masjidku yahay sidii ay ugu dukan jireen oo aan wax isbadal ah lagu sameyn hadii markii hore Alshabaab iyo dadkii Baladweyne ee ku dukan jiri ahaayeen gaalo waa meesheeda laakin hada isbadal kama muudo masjidka.

Kooxda Alshabaab ayaa xiliyadii ugu dambeyay Handadaad xoog leh waxaa ay ku hayeen dadka ku nool koofurta Gobalka Hiiraan hadii ay noqon lahaayeen dhac ay u geysanayaan Xoolo dhaqatada iyo cabsi galin ay ku hayeen dadka dhalinyarada si ay safkooda qaldan ugu biiriyaan.







Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)