|
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Turkiga
Mogadishu Talaado 4 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Turkiga
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saakay u ambabaxay dalka Turkiga, waxayna dalka Turkiga kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dal.
Wasiirka maaliyadda, wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha la sheegay inuu Casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay garoonka Muqdisho ka ambabaxaan goordhow garoonka diyaaradaha ay leedahay dowladda Turkiga, iyadoo wafdiga Madaxweynaha inta ay joogaan ay la kulmi doonaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga.
Dhinaca kale Dowladda Turkiga ayaa mashaariic kala duwan ka wada deegaanno fara badan oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Somaliland mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|