Somali News
    Hees  

Maxaabiis Shabaab u badan oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo

Mogadishu isniin 3 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxaabiis Shabaab u badan oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo

Wararka aan ka helayno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xabsiga magaalada Baydhabo inay ka fakadeen in ka badan 20 nin oo maxaabiis ah kuwaasi oo ku eedeysnaa dembiyo la xiriira iney ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maxaabiista fakatay ayaa xabsiga ka baxsatay Habeenkii xalay ahaa, iyadoo qaabka ay maxaabiistan ay u baxsadeen ayaa la sheegayaa iney Jabsadeen xabsiga oo kadibna ay u suuragashay iney ooda jabsadaan, halka warar kalena ay sheegayaan inuu isfaham dhexmaray maxaabiista iyo ilaalada xabsiga waardiyaha ka ahayd.

Wararku waxa ay sheegayaan in maxaabiistaan markoodii hore lagu soo qabqabtay howlgalo ay horey ciidamada Booliska gobolka Bay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in maxaabiista baxsatay qaarkood ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, halka kuwo kalena tuhuno loo soo xiray oo baaritaano lagu hayay.

Dhanka kale Gudoomiyaha goboilka Bay C/fitaax Ibraahim Geesey ayaa sheegay iney soo gaareen warbixino sheegaya baxsiga maxaabiistaan, wuxuuna sheegay inuu socdo baaritaan ku saabsan qaabka ay u baxsadeen, ayna saxaafada warbixin ka siin doonaan falkaasi dhacay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)