|
Mid ka mid ah askarta Ciidamada Dowladda oo dad Rayid ah ku dilay kuna dhaawacay Degmada Afgooye
Mogadishu isniin 3 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Mid ka mid ah askarta Ciidamada Dowladda oo dad Rayid ah ku dilay kuna dhaawacay Degmada Afgooye.
Wararka aanu ka helayno degmada Afgooye ayaa sheegaya in mid ka mid ah Ciidamada Dowladda uu maanta rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Goobjoogayaal ay ayaa sheegay in askariga rasaasta furay inuu markaasi uu heshiisiin ka dhexwaday labo haween ah oo dagaal gacanta iskula tegay, waxaana diiday dhexdhexaadinta uu sameynayey mid ka mid ah labada haween oo la sheegay iney afgalaadeysay askarigaasi.
Askariga oo ka carooday aflagaadada haweynaydaasi ayaa rasaas uu ku furay haweeneydaasi aflagaagadaysay ayaa sabababtay inay halkaasi ku dhimato haweynaydaasi, iyadoo ay halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray y rasaastaas saddex qof oo kale oo goobta ku sugnaa.
Dhinaca kale sskariga dilka iyo dhaawaca u geystay dadka shacab ah ayaa goobtaas ka cararay, waxaana yimid goobtii ciidamada maamulka degmada Afgooye oo halkaas ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan askarigaasi falkaasi ka sameeyay halkaasi, lamana hayo ilaa iyo iminka askarigii falkaasi ka dambeeyay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|