Somali News
    Hees  

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kampala u imaanaya in uu la kulmo Sheekh Shariif

Mogadishu isniin 3 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kampala u imaanaya in uu la kulmo Sheekh Shariif.

Warar laga helay ilo muhiim ah oo si aad ah ugu dhow madax weynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu maalmaha soo socda soo gaari doono magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala si uu kulan gaar ah ula yeesho Sheekh Shariif.

Tarsan ayaa la sheegayaa in uu uu maalmihiiugu dambeeyay shaki weyn qabay isagoo aaminsan in laga qaadi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Waliba Duqa Magaalada , wasiirka cusub ee arimaha gudaha Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa bilaabay wada tashi uu la yeelanayo gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir si uu xog ogaal ugu noqdo howlaha kasocda degmooyinka Gobolka Banaadir , wuxuuna gudoomiyayaasha Degmooyinka u sheegay inay dhexdooda iska soo doortaan hal qof oo lacagta loogu dhiibo taas oo sicad u muujisay in Gudoomiyaha Gobolka uu waqtigiisii sii dhamaanayo lana filayo in mar dhow xilka laga xayuubiyo.

Maxamuud Axmed Nuur TARSAN ayaa ka mid ah xubno si aad ah ugu dhawaa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna xilka ku hayay taageero xoog leh oo uu ka heystay Sheekh Shariif oo ay ka wada tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga iyo Waliba Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya oo xaruntiisu aheyd magaalada ASMARA ee dalka ERITEREA , haatana wuxuu magaalada Kampala ee dalka Uganda u imaanayaa isagoo doonaya in uu Sheekh Shariif ka codsado in uu kala hadlo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Professor Xasan Sheekh Maxamuud si loogu daayo xilkiisa oo uu sheegay in uu halgan dheer usoo galay.

Afar musharax ayaa u taagan qabashada xilka gudoomiyenimada Gobolka banaadir kuwaas oo dhamaantood isku beel kasoowada jeedaan TARSAN, waxaana la sheegayaa in labo musharax oo aad u cad cad midkood dhawaan loo magacaabi doono xilka gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaala Muqdisho , tarsan ayaa intuu madaxda ka ahaa gobolka Banaadir muujiyay wax qabad aad u balaaran inkastoo madaxda degmooyinka qaarkood ay ku tilmaameen nin kali talis ah oo aan dhageysan fikradaha dadka la shaqeeya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)