Somali News
    Hees  

GARNAQSIGII TALIYAHA HAY'ADDA SIRDOONKA SOMALILAND IYO AMAKAAGII HAYADA SIRDOONKA INGIRIISKA EE MI6

Mogadishu isniin 3 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


GARNAQSIGII TALIYAHA HAY'ADDA SIRDOONKA SOMALILAND IYO AMAKAAGII HAYADA SIRDOONKA INGIRIISKA EE MI6.

Waxaa shir albaabadu u xidhanyihiin uu ka dhacay xafiiska hayada sirdoonka qaranka jamhuuriyada Somaliland, shirkaasi oo ay isku soo hor fadhiisteen labada sirdoon ee Somaliland iyo hayada sirdoonka ingiriiska ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan MI6. Ujeedada kulankan oo macnihiisu ahaa sidii hayada MI6 ay xog uga heli lahayd agab iyo gawaadhi ay caawimo ahaan u siiyeen sida ay u isticmaaleen iyo waxyaabaha kale ee ay uga baahanyihiin si ay u caawiyaan hayada sirdoonka qaranka Somaliland.

Laakiin warbixintii ay ka heleen taliyaha sirdoonka qaranka Somaliland Mudane Jaamac Ciro iy ku xigeenkiisa Cismaan liimo may noqon mid ay ku farxeen. Waxa ay soo bandhigeen cadaymihii gaadiidka ay hore ugu caawiyeen sirdoonka Somaliland dhamaantii, waxaanay ka codsadeen taliyaha sirdoonka iyo kuxigeenkiisa in ay ka warbixin ka siiyaan gaadiidkaas, jawaabtii madaxda sirdoonka Somaliland waxay af kala qaad ku noqotay hayada MI6, jawaabtaasi oo ahayd:- waxa gaadiidkii sifo aan shirciga waafaqsanayn oo sharci daro ah kula wareegay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland mudane silanyo iyo mudane saylici, waxa kale oo ka mid ahaa madaxda ay carabaabeen taliyayaasha sirdoonku wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane xirsi x cali oo ay ku sheegeen in isaguna gaadhiga uu wato uu ahaa gawaadhidii sirdoonka lagu caawiyey laakiin ay kala wareegtay xukuumadu.

Hadaba waxa ayaan daro inteeda leeg ah in madaxdeenii halkii laga dhisi lahaa dalka iyo ciidamada u adeegaya ay iyagii sii curyaaminayaan haayadihii dal ka dhismi lahaa, oo iska daa waxay ku caawiyaane ay caawimadii ay caalamka ka helaan ay dhexda u fadhiisanayaan oo ay iyagu qaybsanayaan, walaalayaal gawaadhida maanta ay wataan madaxwayneheena Mudane Axamed Maxamed Maxamuud Silaanyo, M/W xigeenkiisa Mudane Saylici iyo Wasiirka madaxtooyada Mudane xirsi waa hantidii lagu caawiyey sirdoonka qaranka Somaliland.

Waxa kale oo jirtay oo warbixinta taliyayaasha sirdoonka ku jirtay in ay jireen gawaadhi kale oo aan illaa hada ayna hayn meel ay ku danbeeyeen gaadiidkaas oo ahaa qaar gaar u ahaa sirdoonka qaranka Somaliland.hayada sirdoonka ingiriiska MI6 ayaa sida ay hadalkooda ku sheegeen doonayay in ay warbixin ka helaan gaadiidkii hore ay ugu caawiyeen sirdoonka Somaliland si ay gaadiid danbe iyo agab kaleba ugu caawiyaan sirdoonka Somaliland, laakiin taasi hada waxay u muuqataa in ay iska soo dhamaatay oo ay ishaasi xidhantay, kadib markii ay waji gabax kala kulmeen warbixintii ay siiyeen taliyayaasha sirdoonka qaranka Somaliland. Inta taariikhda la ogyahay waxa sirdoonka Somaliland ka heli jireen caawimada dhinaca gawaadhida hayada sirdoonka ingiriiska ee MI6 laakiin waligood wax gaadiid ah kamay helin xukuumadihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland.

Hayada sirdoonka ingiriiska MI6 waa haayadii hirgalisay dhismayaasha kala duwan ee ay haatan sirdoonka Somaliland ku adeegaan.

Geesta kalena warar aanu ka helnay ilo ku dhawdhaw sirdoonka qaranka waxa ay noo sheegeen in xafiiskii wakiilka u ahaa sirdoonka maraykanka in albaabada loo laabay kadib markii ay arkeen musuqmaasuq badan oo ka dhexjira madaxda Somaliland, taasi oo cawaaqib xumo u keeni karta caawimooyinkii ay Somaliland ka heli jirtay aduun waynaha.

By; M.M. Warfaa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)