Somali News
    Hees  

Faahfaahin ku saabsan hadalo kulul oo dhexmaray wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome

Katarineholm isniin 3 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Naqdin Qoraal af legaaddo ah oo lagu qoray websideka Dayniile

Waxaan akhriyay maanta ay bisha tahay 2/12/2012ka qoraal ku soo baxay mid ka mida websiteyada u tafaxeytay
af legaaddada dad sharaf iyo xushmo ballaaran ku dhex leh bulshada, qoraal aan sal laheyn oo ay dhoodhoobeen dad aan xirfad laheyn oo wax ku qoro www.dayniile.com, kaas oo cinwaan looga dhigay : Faahfaahin ku saabsan hadalo kulul oo dhexmaray wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome.

Runtii aniga iyo in badan oo wax ka yaqaan burcadda mooryaanta qalinka, la yaab naguma noqon qoraalkaan maxaa yeelay kan maahan kii 1aad iyo kii 10aadba , waa wax ay caada ka dhigteen oo soo noqnoqdo., Laakiin si aan dadka kale ugu ifinno webka dayniile iyo kuwa la midaba waxaan la xiriirnay Safiirka Soomaaliya ee Rome iyo shaqaalaha safaaradda soomaalida ee Talyaaniga intaba waxay noo xaqiijiyeen in arrinka uu qoray webku yahay been abuurkoodii caadiga ahaay, aysannaba jirin kulan dhex maray wasiirka iyo Danjiraha oo dhanba. Sidaa daraadeed Dayniile waxuu sheegay warkaan iyo kuwa badan ow qoray inuu ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan Safaaradda Soomaalida ee dalka Talyaaniga oo magaciisana qarihaayo..

Dayniile ma xusin taariikhda iyo saacadda uu shirka dhacayba.. Akhristow bal si caqliga saliimkaa fahmi karo u fiirso warkaas www.dayniile ma waxuu noqday Wasaaraddii arrimaha dibadda ee u dhexeysay Danjiraha iyo shaqaalaha safaaradda mise madaxdii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee arrinku khuseeyay..Runtii waxaan hore u akhriyay qoraallo hore oo laga qoray isla safiir Nuur Cadde ow isla dayniile qoray oo markii websiteyo kale daba keceen baaritaannana ku suubiyeen la soo ogaaday in xitaa magacyo ay adeegsadeen ahaayeen beenabuur iyo dad aanba degeneyn meesha ay ka hadlaayeen oo markaas aheyd Belgium.

Waxaa la og yahay haddii dal burburo in wax kastaa kala daataan, kadibna waxaa dhaco wax badan oo nidaam la'aantu keentay, waxa lumay waxaa ka mida kala mudnaantii dadka...Maalin innagoo wada joogno koox aqoonyahanno ah ayaa ninkii ugu aqoonta sarreeyay waxaa dood la galay nin xoogsataa oo aaneyba aheyn ineey meel lagu manaaqashoohaayo wada fadhiistaan... waxay aheyd markaw la kulmaayo inuu jiadad badan u soo maro aragtidiisa..Laakiin hadda waxaaba yimid inuu qof kastaa hadlo sheegaana waxii afkiisa kari karo xishood iyo sharci xakameeyaana jirin...Kana maseeraa wanaagga qofka fiican suubihaayo ...

Waa duni madaxa loo rogay...Hoheey iyo hoheey...

Maanta ma waxeey gaartay in la xagxagto ninkii Ummadda Soomaaliyeed, muslim iyo gaalga u qireen wanaagga uu Ummadda u sameeyay waa ninkii isagoo Ra'iisul wasaare ah ku baaqay in uu wada hadal la gelaayo mucaaradkii waqtigaas jiray, waa kii yiri Soomaaliya Soomaali baa leh mucaaradkana waa Soomaali waan la hadleeynaa, wax kasta uu xalka ku imaan karana diyaar ayaan u nahay, xitaa Kursiga aan ku fadhiyo.. waa kii ka dhabeeyay hadalkiisii... Waa Siyaasigii 1aad ee qowlkiisa iyo ficilkiisa is waafajiyay...waa kii badbaadiyay gumaadkii ku socday qaybo ka mida muqdisho.. waa kii badbaadiyay hantidii Soomaaliyeed ee tiil Bakaaro..waa kii ka shaqeeyay bixitaankii Ciidamadii Itoobiya..Waa nin Samafale ah, Sharci-yaqaan ah..,Diblomaasi ah... maantana joogo markii la lahaa haddii la yaabo Yaasiinka..ma mudna in la xagxagto.. Abaalkii uu Ummadda u galayna wax ma garato ugu bedesho aflegaaddo iyo wax la mida...

Soomaaliya maanta waxaa ka jiro dawlad federaal aan ku meel gaar aheyn oo ay hoggaaminayaan dad aqoon yahanno ah, markii qofkii dhaliil iyo dacwad qabo waa inuu maraa waddada saxda ah, ee maahan in maalinba sarkaal aan magaciisa la sheegin oo Safaaradda ka tirsan ayaan ka helnay xogtaan...

Akhristow saw xadgudub maahan xitaa loogeysanaayo Saraakiisha ka tirsan shaqaalaha safaaradda... Haddii warkaan jiri lahaa waxay soo qori lahaayeen magaca qofka ay xiganaayaan marse haddii uuna jirin magac qof, Qoraalkaas waa waxba kama jiraan oo xitaa marjac lagama dhigi karo.Akhristow :Kani waa Dameer fardo la daaqay..Calaa kulli xaal waxaa la og yahay in sabarka qofka iyo dadkaba uu xad leeyahay..Weel ma qaado muggiis wax ka badan..qof kastaana waxaa fiican in wax loogu dhigo afkuu yaqaan...

Qoraaladaan waa gardarrooyin cadcad oo qola gaara dano ka leedahay lana adeegsanaayo qolyo kale, lagu shaqeystayaal calooshood la ciyaara,oo noqday gurbaan la garaacdo waqtigii la rabo. Laakiin waxaan ka xunnahay in dadka sharafta leh ee aan qaddarinta u heyno ee leh mara u celintooda ineey ku fiirsadaan gardarada oo hadhaw mar ay xeero iyo fandhaal kala dheceen la kala rooro..Waxaa furan jidad badan oo lagu xakameyn karo gardarooyiinkaas, waase la mari doonaa haddii xal kale la arki waayo.

Qoraalkaan waxaw bilaw u yahay qoraalo taxane noqon doono oo maalinba meel geli doono, Ummaddana wax badan oo ka qarsan u ifin doono.

Mudane Danjire Nuur Caddena waxaan leeyahay waxaa tahay oday Qaran ee dulqaadkii laguugu yiqiin lahaaw, Ummaddana inta caqligu wehelka u yahay ma illaawi doonto samahaagii iyo kan aad hadda waddaaba Rabbina ha kaa abaal mariyaa wanaagga aad Ummaddaada u heyso mar walba. Waxaan ognahay in adoo u baahan nasiino inaad si ka adadag kana hufan dadka dhallinyaradaa aad u shaqeyso.. Runtii waxaana illaawi karin mar aan imid Rome oo aan arkay qaabka aad u shaqeyso iyo waqtiyada faraha badan aad shaqeysaan inaaaneey jirin meel saas looga shaqeeyo.

Wabilaahi tawfiiq.


Waxaa qoray:
Xuseen M. Cabdulle"Wadaad"
huswadad@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)