|
Laba ka tirsan Wasiirada Cusub oo Baarlamaanka amray in ay horyimaadan
Mogadishu isniin 3 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Laba ka tirsan Wasiirada Cusub oo Baarlamaanka amray in ay horyimaadan
Mudayashaa Baarlamaanka dalkeena Soomaaliya ayaa ku amray wasiirrada
gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirrka arrimaha
dibadda ahna raisalwasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan si ay
u weydiiyaan su'aalo ku saabsan safarro ay dalka dibaddiisa ku tageen.
Maxamed Sheekh Cismaan Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa
sheegay in labada wasiir looga baahan yahay inay illaa lixda bishan ay
ku yimaadaan baarlamaanka hortiisa si su'aalo loo weydiiyay.
Mudanayaasha Baarlamaanka dalka ayaa waxay horay ugu yeeray labadan
xubnood, iyadoo xilligii loo qabtay uu ku ekenaa shalay oo Axad ahayd,
waxaana maanta mar kale loo sameeyay muddo kordhin uu ugu yeerayo
baarlamaanka.
Gudoomiye Juwaari ayaa kal horay u sheegay inay la xisaabtami doonaan
xukuumadda cusub, iyadoo labadan wasiir ay noqonayaan kuwii ugu
horreeyay ee baarlamaanka looga yeero tan iyo markii la ansixiyay
golaha wasiirrada bartamihii bishii hore.
Wasiiradan ayaa waxay booqashooyin ku kala tageen, dalalka
Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxayna sheegeen inay kulammo la qaateen
wasiirrada dhiggooda ah ee dalalkaas ayna kala hadleen arrimo ku
saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashigooda dalalkaas
iyo Soomaaliya.
Wadamada ay booqdeen wasiiradan baarlamaanku uu dalbay ayaa waxaa
dalkeena ka jooga Ciidamo taageeraya Soomaliya si loo sii kordhiyo
baacsiga lagu hayo Malayshiyaadka Alshabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|