Somali News
    Hees  

 

Gothenburg arbaco 14 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!



Sirdoonka Kenya oo ka war helay in Al-Shabaab maagan yihiin weeraro ay ku soo qaadaan Wadankaasi xiliga Kirismiska.

Ammaanka wadanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoona la xiray amaanka wadankaasi waxaana dawlada dalkaasi sheegtay inay heshay xog ku saabsan in Shabaab ay maagan yihiin weeraro ay dalkaasi ka geystaan.

War ay soo saareen hay'adaha amaanka wadankaasi ayaa waxzaa lagu sheegay in Al-Shabab ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in dalkaasi uga geystaan weeraro dhiig ku daato inta ay socdaan dabaldagyada loo sameynayo maalmaha xorriyadda.

Dhamaan xaduudaha dalkaasi ayaa la xiray waxaana la dhigay ciidamo fara badan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku waramaya xogta la helay ay qeyb ka tahay in Al-Shabab ay qaarijiyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Gudoomiyaha Gaarisa Max'ed Macalim ayaa sheegay inay aad ula socdaan dhaq dhaqaayada xaduuda ay Soomaaliya la wadaan oo uu tilmaamay inay ciidamo dhigeen.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegaya in Al-Shabab ay lacag dhan 800 oo lacagta Kenya ku doonayaan in lagu dilo saraakiil dhanka amaanka ah.

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)