Somali News
    Hees  

Maqaal: Maxaynu ka faaidnay doorashadii golaha deegaanka ee bishii hore dhacday

Hargeysa Talaado 11 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxaynu ka faaidnay doorashadii golaha deegaanka ee bishii hore dhacday

Doorashada golaha deegaanka oo ahayd midkamid ah balanqaadyadii uu xisbiga kulmiye kugalay doorashadii madax tooyada isla markaana kamida qodobada ugu waawayn ee ilaa imika uu xaqiijiyey oo uu u fuliyey si gee si nimo lehayaa waxaa kasoo baxay maxsuulo kala duwan oo qaar xun iyoqaar wanaagsan bal eh una baahan in mid walba sidiisa looga faa idaysto.

Xaga qaranka

Marka aad ka eegto xaga qaranka waxaa muuqata in guul wayn uu ka gaadhay qaranku waayo doorashadu waxa ay u dhacday si nabad galyo ah oo dhamaan ay uga wada hir gashay gobolada dalka iyo dagmooyinkiisa ,iyadoo waliba gaadhay dagmooyin aanay hore uga dhici jirin doorashooyinkii hore ,taasina waxa ay sii xoo jinaysaa nidaamkii dimuqraadiyadeed ee qarankani ku talaabsaday .

Iyadoo wali ay jiraan dhanka kale caqabado aan maaro loohilin oo bar madaw ku ah hanaanka dimuqraadiyadeedoo ubaahan in komishanka qaranku xog ka urusado .

Xaga qabiilka

Doorashada deegaanku waxaad moodaa inay sii xoogaysay kala qaybsanaanta qabiilada iyo reeraha waayo waxaad moodaa in bulshadu u fahantay in qabiilo loo tartamayo,taana waxaa cadaynaysa xildhibaanadii helay tartankaasi ay isku urursanayaan hab reer oo ay dhinac is ka dhigeen xisbiyadii /ururadii aykasoo baxeen oo ay ahayd inay isku gaashaan buurays taan hab xisbiyeed sidii markii horaba ay uga soo baxeen xisbiyo kala duwan.

Soo saarista xoog cusub oo siyaasiyiin ah

Doorashadan golaha deegaanka waxyaabaha wanaagsan ee kasoo baxay waxaa ugu xusid mudan in lahelo xoog cusub oo siyaa siyiin ah oo ubadan da’yar aqoonyahan ah oo baahi wayn ay bulshada iyo qarankuba u qabeen , oo xukuumadihii kala danbeeyey ee dalkani ay iska indha saabi jireen waxna katari doona himilada qarankan curdinka ah, lagagana raysto siyaasiyiintii hore ee hab beedku biyo dhigay oo la helo jiil cusub oo u heelan horumarinta dadka iyo dalka

Runtiina mudan in aad loo dhexgalo markeeda oo aan kaga hadli doono maqaalo ugaara.

Rabitaanka dadka soo baxay

Guud ahaan dalka oodhan waxaad moodaa in dhamaan murashaxiintu ay u tartamayeen hal kursi oo ah duqa degmada (mayor) tanina waxay noqon doontaa aafo cusub oo golihii ka bixi waayo is riix riix iyo muran maalinkasta taagan maadaama ay wada rabaan in uu nin walba isagu noqdo duqa demada , waxayna kaga mash quuli doonaan in ay deegaankii wax kusoo kor dhiyaan.

Marka aad si qoto dheer usii eeg tana waxaa kuu muuqanaysa in ay intooda badan ay rabaan in mid walba uu rabo hanti iyo sumcad u gaara shakhsiyadiisa ,ee ay yar tahay inta aaminsan in ay deegaankii is beldel kusa meeyaan,sidookale waxa xusid mudan in tartanka noocan ihi marka uu halkan dhaafo uu tagayo reerkeemaayir noqday .

Tanina waxay caqabad kunoqon doontaa horowmarkii xukuumada iyo bulshadu filayeen oo bedelkeedu noqdu rabshado iyo buuq kasoo kordha hadaanan la isku dayin in lahanuuniyo oo latusaaleeyo ujeedadii loo soo doortay.

Qalinkii: maxamed abiib yuusuf

Lasoco maqaalo kale oo xiiso badan

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)