Somali News
    Hees  

Madaxweyne ahaana cidna ka ogolaan mayno inay Wadanka Qas iyo Qalalaase Galiso, Bulshada Somaliland waxaan leeyahay...

Hargeysa Talaado 11 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne ahaana cidna ka ogolaan mayno inay Wadanka Qas iyo Qalalaase Galiso, Bulshada Somaliland waxaan leeyahay hala sugo Natiijadii Doorashada, Komishanka Doorashooyinkana waxaan leeyahay waxa la idinka sugayaa Go’aan ay Ummaddu ku qanacdo.” Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta markii ugu horaysay ka hadlay Qalalaasaha ay keentay Natiijadii Doorashada Dawladdaha Hoose ee ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen ee sababtay Dhimashada iyo Dhaawaca Dad shicib ah oo ay Booliisku Tacshiirad la dhaceen.

Qudbada Madaxweynaha ee ku salaysan Muranka Doorashadii Dawladaha Hooe ka taagan waxa ay ku soo beegantay oo uu la beegsaday maalinta Xuquuqal Insaanka oo manta ku began taasoo uu Madaxweyne Siilaanyo ku faanay inuu u dajiyay Qorshe lagu badbaadinayo Xuquuqda Muwaadiniinta, hadana dhanka kale waxa uu Munasibadaasi ku xusay Tacsi uu u dirayo Dad shacab ah oo ay Booliisku laayeen iyagoo dhigaya Mudaharaad ay kaga cabanayaan Natiijadda Doorashada oo ay ku Eedaynayaan inay Xukuumaddiisu ku shubatay.

“Doorashadii Dawladdaha Hoose ee Dalka ka dhacday waxay inoogu dhacday si Nabadgelyo ah, balse Nasiib daro Natiijadii ka soo baxday waxay keentay Buuq sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaadhay Dad shicib ah.” Ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku bilaabay, waxaanu raaciyay “Komishanka Doorashooyinka Waxaan Leeyahay Qaranku idinkuu idin sugayaa, masuuliyadda Doorashadu idinkay idin saran tahay, waxaana la idinka sugayaa Go’aan ay Ummaddu ku qanacdo.” Ayuu mar kale yidhi

Sidoo kale waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga xumahay dadkii ku dhintay rabshadahaasi, waxaanan uga Tacsiyadaynayaa qaraabadii, Eheladii iyo Guud ahaanba Dadka Reer Somaliland, waxaanan Bulshada Somaliland leeyahay hala sugo Natiijadii Doorashada, Nadaba hala ilaaliyo, Danta Qarankana meel ha looga soo wada jeedo. Madaxweyne ahaana cidna ka ogolaan mayno inay Wadanka Qas iyo Qalalaase Galiso” ayuu ku soo koobay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale ka hadlay xaqa ay Ummadda Reer Somaliland u leedahay in ay Beesha Caalamku Ictiraafto isagoo sheegay inuu uga faa’iidaysanayo Xuskan oo ah mid Caalamku ugu dabaal degayo xuquuqaha ay Bulshooyinka Caalamku leeyihiin, isagoo Somaliland ku asteeyay qaran Xaq u leh Rabitaankiisa.










Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)