|
Madaxda Kenya oo dalbatay in dalkooda laga raro Qaxootiga Soomaalida.
Mogadishu Talaado 11 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxda Kenya oo dalbatay in dalkooda laga raro Qaxootiga Soomaalida.
Raila Odinga Ra’isul wasaaraha xukuumada Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in la gaaray xiligii dalkooda dib loogu celin lahaa Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka dalkaasi.
Odinga ayaa sheegay in gobolada Soomaalida intooda badan haatan la nabadeeyey, ayna ka jirto xasilooni la isku haleyn karo, sidaas darteedna ay tahay in dib loo celiyo Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi Kenya.
Kenya ayaa ayaa waxaa ku nool 20-kii sano ee u dambeeyey Qaxooti Soomaali ah oo boqolaal kun gaaraya kuwaasoo ka soo cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn iyo xaaladaha nololeed ee ka jira dalkooda, kuwaasoo intooda badan ku jira xerada Qaxootiga Dhadhaab oo tan ugu weyn caalamka oo ay degan yihiin Nus malyuun qof.
Dhinaca kale Kenya ayaa horey u sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool gudaha dalkeeda ay ku hayaan culeys dhinaca amaanka ah, waxaana talaabadani ay ku soo aadeysaa xili ay sii kordhayaan dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya dalkaas ka dib markii Kenya ay kumanaan askari u soo dirtay Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|