Somali News
    Hees  

Ganacsade Xaaji Cismaan Axmed Rooble oo xalay ku Geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska

Mogadishu Talaado 11 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Tacsi Tiiraanyo Leh

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed khaasatan ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Axmed Rooble si gaar ah Yusuf, Axmad, Ardo, Aweys iyo dhammaan Ubadkii uu ka geeriyooday

Suldaan Joolaal Maxamud Afrax
Maxamad Cadaawe
Eng. Cabdullaahi Calas
Liibaan Cali Mahdi
Dr. Maxamad Xassan
Muuse Cosonle
Anisa Daahir
Nurto xaaji xassan
Cabdiyo Ciise cabdi
Madiina Axmed Maxamud Cadde(Qoorweyne)
Dhigaal Jeyte Xaayow
MaryanruunAxmed Maxamud Cadde
Duniya Xaaji Xassan
Khadra Sheikh Axmed
Yusuf Ismaan Axmed
Abuukar Sheikh Rooble
Daadow Cali Eybakar
Cadow Calasow Timagaduud
Muuse Cabdulle Kuulow
Cabdi Xasan Cali
Abukar Sheikh Cabdullaahi
Cabdullaahi Caddow
Deeqo Cusmaan Xaaji
Ruqiya Siciid Maxamad
Asma Daahir Abuukar
Ridwaan Maxamad Colow
Saynab Cadow Maxamud
Sacdiyo xasan Itoobiye
Safiyo Xasan Mahdi
Sacdiyo Muuke
Maryan Cali muuke
Col. Dhiblaawe Sheikh Ibrahim
Maryan Maxamad Yarow
Yusuf Waasuge Dhegafiiq
Maxamud Yusuf Waasuge
Fawsiyo Yusuf Waasuge
Canshuur Yusuf Waasuge
Cabdirizak Yusuf Waasuge
Cabdikariin Yusuf Waasuge
Marian Yusuf Waasuge
Anisa Yusuf Waasuge
Khayrto Cadow Maxamud
Maano Muuse Weheliye
Deeqo Muuse Weheliye
Hani Muuse Weheliye
Marian Bilaajo
Fahmo Cabdiraxmaan
Maxaman Cabdiraxmaan Macallin
Siciid Cabdiraxmaan Macallin
Maymuun Xasan Itoobiya
Cabdiweli Indhacadde
Sacdiyo Aamin Ciise
Fardawsa Garuun
Yasmeen Daahir Abuukar
Asma Daahir Abuukar
Dr. Cabdicaziz Casir
Cabdirak Mohamud
Abuukar Rooble
Ayan badal Cabdi
Maxamad Adan Qoorleex
Cabdicaziiz Dubad

Waxaan Leenahay Samir iyo iimaan Saadaq ah Marxuumkana Jannadii Fardawsa Allaha Ka waraabiyo.

Ganacsade Xaaji Cismaan Axmed Rooble oo xalay ku Geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxaa Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo ahaan jiray wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya.

Marxuum Xaaji Cismaan Axmed Rooble waxay da'diisu ahayd 93 jir, iyadoo marxuumka tobankii sanno ee ugu dambeeyay dalka ka maqnaa, wuxuuna u dhintay xanuun toddobaadyadii ugu dambeeyay hayay Xaajiga.

Waxaa lagu wadaa Marxuumka in Maydkiisa magaalada Muqdisho la keeno maalinta Khamiista ah ee soo socota si loogu aaso dalka Soomaaliya gudihiisa, iyadoo marxuumka uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1919-kii, wuxuuna xildhibaano iyo wasiir ka soo noqday dowladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya, markii kacaanku uu dalka ka curtayna wuxuu noqday ganacsade oo uu illaa hadda ahaa, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay wiil uu dhalay Marxuumka dhinta oo lagu magacaabo Axmed Cismaan Axmed Roobl. 

"Waxa uu Aabahay ifka kaga tagay 107 -ruux oo isugu jira wax uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen" ayuu yiri Saciid oo isna ka mid ah wiilasha Xaajiga, oo isagu si buuxda u cadeeyay in lagu aasi doono Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Caruurta uu dhalay Marxuumka ayaa tiradooda lagu sheegay 31- ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo sii dhalay 76 caruur ah, waxaana marxuumka uu muddo u xirnaa dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Gen Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale Xaajiga waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa qof samaha jecel oo ku dadaala sidii shacabka loo heshiisiin lahaa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)