Somali News
    Hees  

Fannaaniin Qaran oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay + Sawirro

Mogadishu Talaado 11 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Fannaaniin Qaran oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay + Sawirro

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu talagalay soo dhoweynta fannaaniinta kala ah: Qaalid Shariif Axmed (King Qaalid), C/Xakiim Ciise Geedi (Farayare) iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay fannaaniintaasi ka soo degeen garoonkaasi.

Munaasabadii xafladaasi oo ay isku soo duwday Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD ayaa waxaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta fannaaniintaasi boqolaal ka mid ah bulsha weynta Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray diblomaasiyiin, madaxda G/banaadir, haweenka degmooyinka Muqdisho oo ku labisnaa dareys ka koobnaa hidaha iyo dhaqanka iyo Uniform-ka calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, barbaarta gaashaaman, fannaaniin, weriyeyaal iyo taageerayaal aad u fara badan oo daneeya fanka fannaaniintaasi iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ay ku soo dhoweynayaan hoboladaasi.

Saddexda fannaan ee kala ah: King Qaalid, farayare iyo Cujeer Cajami ayaa markii ay ka soo degeen garoonka Aadan Cadde waxa ay mid mid u gacan qaadeen iyagoo faraxsan dadkii soo dhoweyntooda ka qeyb qaadanayay, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen "Waan idin sugeynee soo dhowaada, ha guuleysato xorriyadda fanka, qof iyo Qaranba King Qaalidow xushmad baan kuu heynaa, noolow Farayare noolow iyo Cujeerow waan ku tabeynee na tilmaam" iyo halku-digyo kale.

Fannaanka luuqda macaan ee Qaalid Shariif Axmed King Qaalid oo wakiil ka ahaa saaxibadiisa kale ee la socday ayaa mar uu Weriyeyaasha kula hadlayay qolka martida VIP-da ee Garoonka Aadan Cadde waxa uu qoto dheer uga sheekeeyay ujeedada booqashadooda iyo sida ay u arkaan caasimada dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inay ugu dambeysay in ka badan 20-sano, wuxuuna ugu horeyntii sheegay inuu 100% ku faraxsan yahay imaatinkooda Muqdisho, isagoo intaasi raaciyay inuu si weyn ugu mahad naqayo hay'adda CCD oo uu tilmaamay inay u suuragelisay booqashadooda Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay King qaalid qaabkii loogu soo dhoweeyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu ku nuux nuuxsaday in si heer sare ah oo aanay hilmaami doonin loogu soo dhoweeyay Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inta ay joogaan dalkooda hooyo inay soo bandhigi doonaan qaar ka mid ah suugaantooda qaniga ah ee ay dadku wada jecel yihiin, isagoo ugu baaqay fannaaniinta kalena inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo si ay shacbigooda wax ula qeybsadaan.

Guddoomiye K/Xigeenkii hore ee G/Banaadir C/Fataax Ibraahim Shaaweeye iyo Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir marwo Jawaahir Maxamed Baarqab oo iyaguna ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta fannaaniintaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka fannaaniinta Qaran, waxayna xuseen inay hay'adda CCD uga mahad celinayaan si da ay mar walba isugu howsho qaabkii ay dalka ku keeni lahayd dadka magaca iyo sumcadda ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo ay fannaaniintu ugu horeeyaan, iyagoo intaasi raaciyay in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la imaan karo, sidaasi daraadeedna ay ugu yeerayaan fannaaniinta kale inay yimaadaan dalkooda hooyo oo aan lahayn qabow iyo barafka Soomaalida dibadaha badankood ku haya.

Hay'adda CCD ee maanta ku guuleysatay inay Muqdisho yimaadaan fannaaniintaasi Qaran ayaa horay waxay dalka ugu casuuntay hobalada kala ah: Jooqle Shire Jaamac, Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax) iyo kuwo kale waxaana ay hay'adda haatan ku tala jirtaa inay wadanka ku martiqaado inay yimaadaan fannaaniinta kale ee qurbaha ku sugan.



























Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)