|
Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay weeraro ka geysan doonaan magaalada Jawhar
Mogadishu Isniin 10 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay weeraro ka geysan doonaan magaalada Jawhar
Xarakadda Al-Shabab ayaa sheegtay in magaalada Jawhar ay ku biirtay magaalooyinka ay ku dagaalamaan ciidamadooda iyo kuwa dawlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo Xarakadda Al-Shabab u qaabilsan dhanka hawlgalada ayaa waxaa uu sheegay wakaaladda wararka ee AFP in xeelad dagaal ay ciidamadooda uga saareen magaalada Jawhar iyo in khasaaro uusan dadka rayidka ah soo gaarin hase ahaatee waxaa uu ku hanjabay inay weearo ka geysan doonaan magaalada jawhar inta ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM degen yihiin.
"Jawhar oo lagu dhaqayay Shareecadda Islamka amnina uu ka jiray hadda waxay ku biirtay safuufta dagaalka" ayuu yiri Sh, C/casiis Abuu Muscab.
Abu Muscab waxaa uu intaa ku daray in Jawhar ay hadda kadib ay hooy u noqonayso dagaalo iyo qaraxyo joogto ah.
"Waxaan ku beegsan doonaa kuwa soo duulay kumana harsan doonaan" ayuu sidoo kale yiri waxaana uu intaa ku daray inay ula mid tahay magaalooyinka Marka Baydhabo iyo Kismaayo oo horey Shabab looga saaray.
Dagaalyahanada Al-Shabab ayaa looga bartay magaalooyinka laga saaro inay weeraro ka geystaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|