Somali News
    Hees  

Wasiirka Howlaha Gaadiidka Badda iyo Dekedaha oo la kulmay Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Mogadishu Isniin 10 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wasiirka Howlaha Gaadiidka Badda iyo Dekedaha oo la kulmay Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Mudane Muxyidiin Maxamed Kaalmooy ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxay ka wadahadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada Dowladood iyo labada shacbi, gaar ahaan xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradaha Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur), Agaasimayaasha qeybaha kala duwan iyo xubno la socday Danjiraha.

Kulanka oo daba joogay booqashadii 25-kii bishii hore uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku tageen magaalada Jabuuti, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jabuuti iyo madax ka tirsan Dowladiisa isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqday Dekedda caalamiga ah ee dalka Jabuuti.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray sidii ay Wasaaradaha labada Dowladood isaga kaashan lahaayeen, maadaama Dowladda Jabuuti ay leedahay Dekedo caalami ah isla markaana looga faa’iideysan lahaa dhinaca teknolojiyada casriga ah ee dhinaca farsamada.

Wasiirka Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Mudane Muxyidiin Maxamed Kaalmooy iyo Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Md. Dayib Dubad Rooble oo saxaafadda la hadlayay ayaa waxay sheegeen in booqashadani uu ku yimid Danjiraha xarunta Wasaaradda ay tahay mid fursad weyn siineysa iskaashiga sokeeye ee ka dhaxeeya labada dal, maadaama Dowladda Jabuuti ay tahay dowlad aanu walaalo nahay, ayna tahay hooyadii shacbiga Soomaaliyeed, waxaana ka wadahadalnay sidii aan dhinac walba isaga kaashan lahayn, maadaama dalkeena uu burburay muddo 20-sano ah, kaabayaashii dhaqaalena ay noqdeen kuwo ka gaabiyay doorkii looga baahnaa.

Wasiirka oo si gaar ah u xusay booqashada danjiraha ayaa ku tilmaamay mid dhabaha u sii xaareysa walaaltinimada qotada dheer ee labada shacbi iyo labada dowladood, wuxuuna uga mahad celiyay imaanshaha Danjiraha ee xarunta Wasaaradda.

Danjiraha Dowladda Jabuuti oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in maanta fursad weyn ay u tahay inuu sii ambaqaado dariiqii uu jeexay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo had iyo jeer jecel in Soomaaliya ay noqoto dal jaar la ah oo walaal sokeeye ah, isagoo xusay in Danjiruhu in Madaxweynaha Jabuuti uu booqasho ku yimid xilli Soomaaliya ay ka jirtay abaartii dad iyo duunyaba maratay, taasi oo taariikhda baal dahab ah ka gashay, isla markaana indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya.

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya iyo xubnihii la socday intii ay ku sugnaayeen xarunta Wasaaradda Gaadiidka Mudane Muxyidiin Maxamed Kaalmooy waxay booqdeen qeybaha iyo xafiisyada Wasaaradaasi ka kooban tahay, iyagoo warbixino kaga dhageystay madaxda qeybahaasi.








Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)