Somali News
    Hees  

Malayshiyaad Alshabaab oo ka qabal uruursaday Degmada Buuloburte

Mogadishu Isniin 10 December 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Malayshiyaad Alshabaab oo ka qabal uruursaday Degmada Buuloburte

Iilo lagu kalsoonyahay ayaa u xaqiijiyay shabakada wararka somaliweyn.com in ilaa shalay galinkii dambe Malayshiyaadka Kooxda Alshabaab ay si aad ah ugu mashquulsanaayeen sidii ay qalabka ay muhiimka u arkaa ay ugala bixi lahaayeen Degmada Buuloburte halkaas oo xiligan ay ka jirto cabsi aad u weyn ka dib markii ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom ay shalay gacanta ku dhigeen laba degmo oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe waa Jowhar iyo Mahaday halka degmada Warsheekhna laga sii baacsaday ka dib markii ay ka war heleen guluf culus oo ku wajahnaa dhinaca kalana ay jirto warar sheegaya in Ciidamada Itopia ee ku sugan Baladweyne ay dhankooda wadaan abaabul iyo duulaan ka dhan ah Alshabaabka Buuloburte iyo Jalalaqsi,

Goobjoogayaal ku sugan buuloburte ayaa sheegay in magaaladu ay tahay mid haawaneysa fu,aad shongulena uu Caruus ku yahay Tuulada buqaqable ee hoostagta degmada buuloburte.

Isbitaalkii buuloburte oo sanadahii ugu dambeyay Alshabaab u ahaa Hooy iyo Saldhig ciidan ayaa waxaa qalabkii yiilay lagu raray gawaarida nuuca loo yaqaano Bii Jii

Warar xog ogaal oo laga helay horjoogayaasha ku soo uruurayay bilahii ugu dambeeyay magaalada ka dib markii laga soo jabiyay deegaanadii ay ku amartaagleenayeen ayaa sheegay in ay ka fikirayaan sidii lagu meeleen lahaa hubka faraha badan ee kooxda haysato maadaama dhul hubkaa lagu qariyo aanu kooxda u harin talooyinka ay qaar kood soo jeediyeen waxa ka mid ah dadka shicibka in lagu wareejiyo loona sheego in ay cadawga kula dagaalamaan intii meel cidlo ah lagu tuuri lahaa.

Ciidamada Itopia ayaa ka war sugayaa ciidan Jabutiyaanku tababarayaan oo boqol iyo xoogaa gaaraya in ay kala qeyb qaataan duulaanka buuloburte.

Si kastaba maalmahii ugu dambeyay wararka laga helayay baladweyne ayaa sheegayay in Shabaabkii degaanka u dhashay ay xiriir joogta ah la soo sameenayeen Saraakiisha Somalida iyo kuwa reer Jabuuti si ay cafis u helaan ama ugu yaraan dhaqan celin loga sameeyo ficiladii ay barteen mudadii ay shabaabka dhinac ordayeen

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)