|
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaaray dhaawac fudud
Mogadishu Isniin 10 December 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaaray dhaawac fudud
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray dhaawac fudud, kaddib markii uu u ku kufay xafiiskiisa meel mutuneello ah oo ku dhow hoygiisa.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku kufay mutuneello ku yaala xafiiskiisa, hase yeeshee labada gacmood oo dhulka ku hor maray ay sababtay inuu ka dhaawacmo gacanta midig.
Xaaladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan soo wanaagsanaaneyso, waxaana madaxweynaha gacantii uu dhaaca ka soo gaaray looga duubay Bantaajo kaddib markii uu ka dareemay xanuun ka yimid jugta culus soo gaartay.
Dhinaca kale warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isbitaal u aado dalka dibadiisa, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn dalka uu tegayo, waana markii ugu horeysay oo dhaawac soo gaaro Madaxweynaha tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.


Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|