Somali News
    Hees  

Maqaal: Maxaa ugu wacan in go’aanka dawladda uu markasta bannaanka yaalo oo mafrashyada lagu sheekaysto inta aysan dawladdu shaacin?

Maxaa ugu wacan in go’aanka dawladda uu markasta bannaanka yaalo oo mafrashyada lagu sheekaysto inta aysan dawladdu shaacin? 

Inta aynan u gudagelin ka hadalka arrinkan aan cinwaanka uga dhignay,bal xoogaa aan dulmar ku samayno ka hadalka ammaanada,ammaanadu waxay ka mid tahay edebta wanaagsan,macnaha waxay qofka ka dhigaysa qof akhlaaq leh,bulshaduna waxay u tahay lagama maarmaan,waana furaha horumar kasta,ammaanadu waxay qofka ka dhigaysa qof sharaf leh faraxna ku nool,Rabbi wuxuu qur’aanka kariimka ah ku yiri:Rabbi wuxuu idinku amraya in aad ammaanada u guddaan, macnaha siisaan ehelkeeda (suuradda annisa’,aayad lambar 58),macnaha wixii xuquuq ah ee la idinku aaminay waa in aad siisaan dadkii ehelka u ahaa,Rabbi wuxuu kaloo yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa aaminay ha khiyaamina Allah iyo rasuulka,hana khiyaamina ammaanadiina,idinkoo garanaaya (suuradda al-anfaal,aayad lambar 27).

Labadaasi aayadood ee ka hadlaysa ammaanada,waxaa loola jeeda wixii ammaano ah oo dhan ee ma’ahan hal ammaano,maalkaagu waa ammaano,cilmigaagu waa ammaano, carrabkaagu waa ammaano,maqalka,aragtida,quluubta,labada gacmood,labada lugood, dhammaan waa wada ammaano,waana in laga dhowro wixii akhlaaqda iyo sharafka wax u dhimaysa,sida xanta,isku dirka,beenta,aragtida waxyaabaha la xarrimay,cunidda waxyaabaha la xarrimay,dhegaysiga waxyaabaha xaaraanta ah iyo in loo socdaalo oo loo safro waxyaabaha xaaraanta ah,wax kasta oo Allah lagu caabudaayana waa ammaano,xaaraanta oo la iska daayo waa ammaano,samaynteeduna,macnaha in xaaraanta la xalaalaysto,waxay keenaysa in la dayacayo ammaanadii,Rabbi wuxuu nagu amray in aan deyno waxyaabaha xaaraanta ah kana fogaano,marka haddii aan u bareerno waxyaabaha uu Allah naga reebay, waxay macneheedu noqonaysa innagii oo u bareernay dayacidda ammaanada.

Ammaanadu waa xaqiiqda islaamka,waana astaanta lagu garto qofka mu’minka ah, waxayna ammaanadu ka soo horjeeddaa khiyaanada,ammaanadu waa dabeecad ka mid ah dabeecada iimaanka,khiyaanaduna waa dabeecad ka mid ah dabeecada lagu garto munaafaqa, caqliga bani’aadanku waa ammaano,haddii uu u adeegsadu wax farxad leh ee adduun iyo aakhiroba u soo jiidaysa wuxuu noqonaya qof ammaanadii dhowray,haddii uu u adeegsadana dhagar iyo khiyaano uu kula kacayo muslimiinta kuna fasahaadinayo wixii maandooriye ah iyo waxa lagu sakhraamo wuxuu ahaanaya maalinta qiyaame qof la weydiiyo sida uu ammaanadii u dhowray,Rabbina wuxuu yiri:maalin aan waxba anfacaynin maal iyo awlaad midna,qofkii Rabbi ula yimaada qalbi fayow ah mooyaane,macnaha qalbi ka fog shirki iyo munaafaqnimo (suuradda ashucaraa’,aayad lambar 88,89).

Rabbi wuxuu yiri:waxaa ugu khayr roon cid la ijaarto qof xoog badan oo aamin ah (suuradda al-qasas,aayad lambar 26),culumadu waxay aayaddani ku fasireen in labada sifo ee aasaasiga u ah ee ragga loogu xulanayo xagga shaqada ay tahay xoogga iyo ammaanada,xooggana waxaa loola jeeda in qofku uu awood u leeyahay waxa uu qabanayo,khibradna uu u leeyahay, ammaanaduna waxaa loola jeeda in uu yahay nin akhlaaq leh oo damiir leh oo diin leh,ninka noocaas oo kale ahina wuxuu shaqada u gudanaya si daacd ah,wax dhib ahna kalama kulmayo wuuna ku raaxaysanaya shaqadii loo dhiibay illeen waa shaqo uu garanaaye,mana dhici karto in qofka noocaas oo kale ah uu wax is dabamariyo,mansabka iyo maalka lagu aaminana ma dhacayo,kumana dayacayo wax dantiisa gaar ahaaneed ah.

Axaadiis fara badan oo saxiix ah ayaa sheegaysa faa’iidada ay leedahay ammaanada iyo kuwo kaloo badan oo ummadda islaamka looga digayo in ay ku kacaan wax khiyaamo ah, waxaana axaadiistaasi ka mid ah:Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa inoo khudbeeyay,khudbaduna wuxuu ku sheegay in uusan iimaan lahayn qofkii aan ammaano lahayn,diina uusan lahayn qofkii aan ballan lahayn,xadiiska waxaa saxiixiisa ku soo saaray ibnu Xibbaan,wuxuuna ku sheegay in xadiisku uu wanaagsan yahay,sheekh Albaanina wuu wanaajiyay markuu eegay Al-Mishkaat.

Saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan xadiis uu abi Hureyra ka soo weriyay rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,wuxuuna abi Hureyra yiri:nebiga sallallaahu caleyhi wasallamaa isagoo la fadhiyo qoon ayaa u yimid nin reer baadiye ah,wuxuuna rasuulka uu weydiiyay:goormaa weeye saacaddu,macnaha maalinta qiyaame? nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu ku jawaabay:haddii ammaanadu la dayaco,macnaha la lumiyo,waxaad sugtaan maalinta qiyaame, wuxuu haddana ninkii uu weydiiyay,sidee baa loo luminaya?,wuxuu rasuulku ku jawaabay:haddii ruuxu loo dhiibo wuxuusan ehel u ahayn, waxaad sugtaa maalinta qiyaame.

Ka jawaabidda su’aasha aaan cinwaanka uga dhignay wey fudadahay,waxaana la oran karaa in ay ugu wacan tahay nidaamka qabiilka ku dhisan,maxaa yeelay qofka wasiir laga dhigayo wuxuu gadaal ku wataa qabiilkiisa,kamana maarmi karo,dartood ayaana jagada loogu dhiibay, sidaas daraadeed waa daw in qabiilkiisa uu u shaqeeyo ugana sheekeeyo wixii ay dawladdu ku aaminto oo sir ah,maxaa yeelay wasiirkaasi laguma soo xulan Soomaalinimo iyo waddaninimo umana shaqaynayo danta dalka iyo dadkuba,marka qof qabiil lagu soo doortay haka sugin in sirta dawladda uu dhowro hana ka sugin in uu ilaaliyo ammaanada qaaranka.

Haddii aad aragto qof ku degdega bixinta sirta,waa qof aan mas’uul ahayn,waa qof aan damiir lahayn,waa qof aan garanayn dhibka ay leedahay sirta oo la bixiyo,waa qof u socda in uu iska horkeeno dad walaalo ah,xataa qofka noocaas oo kale ah waxaad ku arkaysa isagoo ka sheekaynaya wixii isaga iyo xaaskiisa xalay ku dhex martay sariirta,isku soo wada duub waa qof qabiiliste ah,sidaas darteed haddii qofka lagu ogaado in uu ku caansan yahay sir bixinta waa in dadka looga digaa,wax sir ahna aan lagu aaminin,mansab dawladeed iyo maalka qarankana aan lagu aaminin.

Maxamedeyn

 

Den Haag/Holland

 

Waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)