Somali News
    Hees  

Falanqayn+Coddad- Waan sii jooggayaadda Faroole jiritaanka Puntland ayay eersan

Deegaanadda muddada 14-sanno ah uu ka arriminnaayay Maamulka loogu magac darray MGPL ee Soomaalliyeed ayaa haatan usoo muuqda in deegaannaddaas uu ku imaanaayo dib u dhac dhanka Maamul haysashadda iyo Nabbad ku noollaanshaha dadka dagan dhulka Maamulkaasu ka arrimiyo , Sawirka noocaas ah ee cabsida badan ayaa ka soo muuqannaaya Puntland ka dib marki Xukuumadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ay ku guuldaraysatay isku haynta midnimaddi deegaannaaddi Puntland ee ay dadka daganni wadda dhisteen 1998-di iyo iyadda oo waa xukuumadda Faroole e la soo taagan haatan Muddo kororsi ayaan muddannahay ergooyin ayaana noo sharciyeeyay sanadka aan dimuqraadiyaynta ku dhamays-tiraysno .

Haddaba waxaa xilligaan ka taagan Puntland xaallad cakirran oo ah dhanka Siyaasadda oo ay isku hayaan Xukuumadda Cabdiraxmaan Faroole oo leh Dimuqraadiyaynta door waa in la siiyaa , iyo Mucaarad diiddan muddo dheeraysashada Cabdiraxmaan Faroole oo ku doodaaya in doorashadda waqtigeedda aan la dhaafin , Waxaa dhanka kale jirra Deegaanno badan oo maamullo gaar ah loo sameeyey kana baxay Maamulka Puntland .

Xaaladda Puntland iyo xilliga .
Kolka la qeexaayo waaqiciga waa in la soo qaato sidda saxda ah ee sawirku yahay , Puntland xilligaan waxay u kala jabtay dhowr Maamul oo ka hoos dhashay Puntland-ti hore waxayna dadka deegaanadda Maamulladda looga dhawaaqay samaysteen Maamullo ka madax banaan Puntland-ti 1998 la yagleeyey ee lagu dhisay habka haybta qabiilka Sidda Soomaalliddu u taqaan u jaan go,an , Inta Puntland-ta hadda jirta ah ayaa waxaa ka taagan xaalad cakirnaan Siyaasaddeed oo ah in la isku hayo Sannad ayaan ku darsaday iyo waan diidnay muddo dherersigaaga .

Deegaanadda Puntland ka baxay :
Khaatumo , Raascasayr , Galgala oo Al shabaab ka arimiso , Sanaag-ti Puntland oo Somaliland ku soo siqanayso , dhamaan waa deegaanno Puntland dastuuri u ah balse aysan ka arimin Xukuumadda Faroole, Deegaanadda Maamuladda loo sameeyey oo Khaatumo u wayn tahay ayay dadka deegaanaddaasu sheegeen in ay Puntland ka waayeen waxqabadki loo igmaday Maamulka markaas talladda hayey ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole waa ka bixidooda ka hore uusan wax qorshe ah ka yeelan deegaanaddaas qaybtood maqnayd.

Xildhibaan Cali Khaliif Galayr oo maanta ka hadlay Mamaulka Khaatumo ee uu dhismihiisa qaybta ka ahaa ayaa sheegay in Puntland-ti 1998di ay ka midka ahaayeen haatanna ka baxeen oo maamulkooddu Khaatumo yahay , Waxa uu sheegay in aysan matalin Reer Khaatumo dad Maamullo kale ka raadsaday Jago waxaadna wadda ogtihiin ayuu yiri in isimadda iyo waxgaradka reer Khaatumo ay Maamulkaas dhisteen .

Hadalka Galayr ayaa u dhigmaaya in aysan Puntland dambe ka mid noqon doonin deegaanaddaasu ayna samaysteen Maamul u gaara shacabka Reer Khaatumo , halka ay Xukuumadda Puntland sheeganayso in ay deegaanaddaasu Puntland yihiin iyadda oo aan ka arimin aysanna lahayn Xukuumadda Faroole wax siyaasad ah oo ku aadan soo celinta Deegaanaddaas .

Iyadda oo xaalku siddaas yahay oo Puntland ay soo koobmayso ayuu Madaxwayne Faroole waddaa in uu si xoog ah ku sii joogo muddo sannad ah oo soo socota waxa uuna sheegaa in uu Horumar ka sameeyey Puntland balse waxaa cad oo waaqiciga laga dheehanayaa in Puntland nusqaan ku yimi oo ay dhabaha kala yaacidda qaaday muddadi uu Madaxwayne Faroole xilka hayay.

Hoos ka dhagayso Cali Khaliif  Mucaaradka diidan muddo dheeraysashadda

Mucaaraddka oo u badan Musharaxiin u taagan xilka Madaxxwayne-nimmo ee Puntland waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan “Gablax” waxa uuna ku celcelliyey in badan in Cabdiraxmaan Faroole Wakhtigiisi dhamaaday ayna tahay in uu doorashadda xilligeeda qabto haddii aysan dhicina uu Masuul ka yahay Madaxwayne Faroole dhibaatadda ka dhacda Puntland maddaama uu sharciga hareer maray iyadda oo uu ku soo fashilmay howshi loo igmaday .

Waxaa isagguna mucaarad ah Musharax Cabdullaahi Siciid Samatar waxa uu isna sidoo kale ku celceliyey in doorashadda xilligeeda la qabto haddi ay xukuumadda Cabdiraxmaan Faroole u adkaysato muddo dheeraysashadeedana dhibaatadda ka dhacda Puntland ay iyaddu dhabarka saaranayso xumaantaas, Saamatar ayaa ku goodiyey in Puntland beello wadda dhisteen cid xoog ku haysan kartaana aysan jirin oo dabcan u eg in uu ugu yaraan Musharax Samatar deegaanadda beeshiisu dagto ka ariminta maamulka Faroole ka hoos saaraayo haddi aan doorashadda wakhtigeedda la qaban .

Mucaaradka ayaa u eg kuwo ku taagan in doorahsadda xilligeeda la qabto xukuumadda Faroolena ku tilmaamay mid xadkeeda gudbaysa haddi ay muddo dheeraysashadda ku adkaysato , waxayna inta badan mucaaradku cuskadaan in Faroole uusan ka jawaabi karin Maxaad soo qabanaysay muddadi afarta sanno ahayd oo aad wakhtigaaga dhamaadkiisa ugu soo aadisay Dimuqraadiyayn ayaan wadda ? iyo siddo kale aaway deegaannaddi Puntland ee lagu dhiibay kolki aad xilka qabatay maxaad ka haysaa maanta ?

Hoos ka dhagayso Musharaxiin Gablax iyo Samatar 

Caburinta Shacabka ee Xukuumadda Faroole 

Maamulka Cabduraxmaan Faroole ayaa muddo dherersiggiisa doonaaya in ay u meel marto waxa uunna adeegsannayaa in uu caburriyo cid kasta oo diidda sii joogistiisa Sannadka soo socda ee uu ugu gol leeyahay in uu shan kalena ku shubto maddaama aysan meel mar noqon karin Doorasho dimuqraaddiyaddeed muddo sannad ah xukuumaddisu ay ka hirgalin karto Puntland-ta wakhtigan oo u dhacda sidda saxda ah , Kolkaas waxa ay noqon deegaannkaas xibul Xaakimka ayaa ku soo baxay oo ah in lagu shubto iyadda oo aan dadku codayn.

Caburrinta ayaa waxaa shaaca ka qaaday in shacabka Puntland lagu hayo isaggana lagula kacay kolki loo diidday in uu ku safro deegaanadda Puntland R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uunna ugu baaqay Isimadda Puntland in ay ka farriistaan Masiirrka Puntland oo uu sheegay in Faroole uu dhibaatayn ku hayo jiritaanka Puntland 

Hoos ka dhagayso Gaas oo Faroole ku sheegay mid Caburin ku haya Shacabka puntland

Waxaa hadalka Gaas cadayn u ah kolki ay muddaharaad sameeyeen Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Qardho , Isu soo baxaas ayay kaga soo horjeedeen muddo dheeraysashadda Madaxwayne Faroole waxa ay ciiddamadda ka amar qaata Madaxwayne Faroole rasaas ku fureen dadki isu soo baxa sameeyey waxayna rasaasta jooga hoose loo riday haleeshay dhowr qof kuwaas oo dhalinyaro u badnaa .
Faarax Axmed waxa uu ka mid ahaa dadki ku dhaawacmay shaqaaqadaas Qardho xabadda ciiddamaddu hoosta u riddeen ayaa ka jabisay luggihiisa mid ka mid ah waxa uuna hadda ku jiraa Isbitaal ku yaala Gaalkacayo isagga oo la jiifa dhibaatadda ciiddaamadda Faroole gaarsiiyeen .

Hoos ka dhagayso 
bukaanka dimuqraadiyaynta u dhaawacmay Faarax Axmed

Shacabka oo la caburriyo ayaa waxay keenaysaa in ay kacaan ka dibna ay ka dhacaan dhibaatooyinka amniga meesha ka saara ayna adkaato in si fudud uga soo kabsaddaan dadka Deegaanaddaas uu ka arimiyo Maamulka Faroole .

Muuqasho la,aanta cid caymin doon ah 
Waxaan jirin haatan Puntland dad iyaggu isu taagay in ay Caymiyaan Puntland marka laga saaro Musharaxiinta iyaggu leh doorasho hala qabto , Cid dhexe oo ay dhibayso dhibaatadda Puntland unna istaagtay isu soo celinta ama yagleelidda Puntland cusub ayaan muuqan waxayna taasu keenaysaa in Madaxwayne Faroole uu sanadkayga ayaan sii joogayaadda ku adkayso halka mucaaradkuna ay sameeyeen waxay ka fursan waayaan .

Dadka iyaggu Siyaasadda Puntland falanqeeya ayaa intoodda badani qabaan haddi ay dhacdo in Doorashadda la qabto 08-01-2013 oo isbadalku noqdo Madaxwayne Faroole oo qof kale baddallo waa haddi uu doorashadda wakhtigeedda ogolaaddo Madaxwayne Faroolee aysan waxba isbadalayn balse haddi la hello cid u istaagta cayminta Puntland ay dhici karto in ay ka soo rayso xaaladda qalalaasha huwan ee haatan Puntland ku soo wajahan haddi aan samata bixiyayaal la hellin Alle ayaa samata bixin lehe.

Waan sii jooggayaadda Faroole jiritaanka Puntland ayay eersan .

Madaxwayne Faroole ayaa illaa hadda ku adkaysanaaya in uu muddo sanad ah oo soo socota isaggu mudan yahay in uu sii joogo xilka Madaxwaynenimadda Puntland ,Madaxwyane Faroole oo lagu yaqaano mid ku dhaqma hab hoggaamineed ay siyaasaddayntu ka maramaran tahay sidda aan ka dheehan karo hab hadalkiisa oo aan dhowaan ka qoray Falanqayntaydi ahayd Madaxwayne Faroole hab haddal hoggaamiye ma leh ! 
Ayaa isaggu ah mid hadaladdiisi u dambeeyey laga dheehan karay in uusan tanaasul samaynayn oo waxa uu ugu yeerayaa wali in ay qaswadayaal yihiin kuwa mucaaradka ahi halka uu dad badan oo muddo dherersigiisa dhibaato ku tilmaamayna uu ku sheegay Qaswadayaal , Alkoliistayaal iyo kuwo dhimirka ka dhiman .

Hoos ka dhagayso Madaxwyane Faroole dadka siddaan rabbo diiddan Dastuurkaygaa qabanaaya

Haddaaba iswaydiintu waxay noqonaysaa Haddii Madaxwayne Faroole uusan la soo muuqan ka tanaasulidda muddo dheeraysashaddiisa, Micaaradka Madaxwayne-nimmo doonka ahina ay maqaamkoodda ka soo dagayn oo ay ku adkaysannayaan in doorashadda xilligeeda la qabto , Aysan wali muuqan cid dhexe oo iyaggu jiritaanka Puntland ka fakarraysa, halkee xaalku ku dambayn Waa su,aal mudan in dadka Reer Puntland iswaydiiyaan .

Kolka la odorasaayo Siyaasadda iyo isbadaladdeeda waxaa inta badan la soo qaataa tagtadda , joogtadda iyo timaaddada oo ah habka loo helli karo ugu dhowaan saadaalin qaybteed ay soo shaac baxdo, Puntland 2001 waxaa ka dhacay dagaal ka dhashay Muddo dheeraysashaddi Madaxwaynihi horre Cabdulaahi Yusuf AUN waxa uunna ku meel marsaday muddo dheeraysashaddiisi si xoog ah oo dagaal dad baddani ku dhinteen ku timi.

Haddaba labbadda xilli waa kuwo kala duwan xilligaas Puntland waxay ahayd mid midaysan oo deegaanaddi Puntland oo dhan ayaa jiritaanka Puntland ku dhamaystiraa, Halka maanta Inta Madaxwayne Faroole ku dooddaayo in uu Dimuqraaddiyaynaayo waa inta uu ka arimiyee ay yihiin qabyo oo Puntland-ti hore aysan dhamaystirayn .

Cabdulaahi Yusuf Aun Waxa uu lahaa hab siyaasaddeed isku xir badan oo hal abuurkiisa siyaasaddeed waxa uu ahaa mid sareeya halka Madaxwayne Cabdiraxmaan isaggu si carro iyo islawayni ku dheehan tahay u wajaha in uu doonitaankiisa ku meel mariyo waxaynunna oran karaa waxa uu ka maran yahay hab hoggaamineedka sababta oo ah haddi uu hoggaamiyuhu noqdo mid kasbashadda iyo siyaasaddaynta ka maran inta badan ma meel maraan doonitaanaddiisa Siyaasaddeed dhibaatooyinna waa u sababa dadka uu hoggaanka u yahay .

Habka cakiran ee Puntland oo masuuliyadda dhibaataddeeda uu yeelan doono Madaxwayne Faroole ayaa u eg mid eersanaysa jiritaanka MGPL sababta oo ah kolka garashaddu u garqaybiso Puntland iyo Faroole waxa soo baxaysa in Faroole yahay Cadoowga Puntland siddaan ku xusay maqaalkaygi ahaa Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?.

  • Saadaalinta waxa dhici kara in Puntland sii Furfuranto oo Maamullo badan oo dagmooyin kala duwan ahi ay soo baxaan , halkaasna ay ka dhalato is haysasho iyo isbaarooyin baddan oo deegaan kasta oo Puntland-ti 1998 la dhigo , Maamuladda ayaa u dhigmaaya kuwo Hab qabiil lagu saleeyo , Kala sii yaaciddaas ayaa waxay dhaxalsiinaysaa shacabka Puntland in aysan ku naaloon jiritaanka Puntland .
  • Waxaa dhici kolka arinta kala yaaciddu ay timaaddo haddii aysan soo bixin koox cayminta Puntland u istaagtaa in Nadaamka Federalismka ee Reer Puntland doonnaan hadda aysan kolkaas awoodin maddaama ay ukala jabayaan Dagmo Damgo Haddi aan la samata bixin.
  • Waxaa dhici karta kolkaas in Dagmooyinku ay dhexdooda is colaadiyaan oo dagaallo sokeeye ka dhacaan , Waxaa dusha saaranaaaya xumaantaas Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo isaggu ku sii adkaysanaaya xilligaan in uu muddo dherersigiisa aan laga dhabqin .
  • Waxaa imaan karta kolka Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta diiddani wakhtigu dhaafo 08-01-2013 ay isku dayaan hab kale oo ah in ay Naddaam Cusub oo Labba Gobol ah sameeyaan Halkaasna uu isku dhac ka yimaaddo oo dagaal uu dhex maro Maamulka Faroole iyo kan cusub ee Maamul Goboleedka Cusub noqday .

Mustaqbalka dhankiisa xumaanta ayaa laga fakaraa samahu waa u door dadka xumuhana waa in laga sii dooddo waxyaabaha sababi karrana la odorroso kolkaasna la istusaaleeyo si aan dhibaataddaasu u gaarin heer waxyeeladdeedda la arko.

Buslahdda Puntland-ta xilliga waxa la gudboon in ay dhan u wadda jeestaan kana hor tagaan waxbaayaha dhibaatadda u samaynaaya codkooddana ku dhawaaqaan intoodda badan oo dhanka doonidda jiritaanka Puntland ah , haddi shacabku danno hoose iyo qabyaallad doortaan waxaa dhacaysa sidda aan kor ku soo xusay.

Haddi maanta meello badan oo Puntland ka mid ah ay shacabku codkoodda muujiyaan Madaxwayne Faroolenna u tilmamaan in wakhtigu ka idlaaday oo uu doorashadda qabto , Waxgaradka Puntland ugu yeerraan in ay kullan wayne dib u hagaajinneed yeeshaan , Haddi shacabku aysan amuurrahoodda ka hadlin waxaa la soo gudboonaanaaya dhibaatooyin , Siyaasigu waa qofka ugu dhibta yar ama maba soo gaarto dhibaato oo goofkiisa iyo ciiddan gaashaan u ah marna ma waaynaayo.

Puntland waxay xilligaan dhowraysaa dhacdooyin labba dhinac midkooda noqda in ay hesho cid cawajcelisa iyo in ay madaxwayne Faroole uu dhabaha dhibaatadda qaadsiiyo Puntland kolkaasna ay shacabka Reer Puntland dhibaato la kulmaan .

Madaxwayne Faroole haddii uu dadka ku dilaayo sanadkiisa dartiis , Haddi uu u masaafirrin dalbaayo qofku ka hor yimaadda siyaasaddiisa kolkaas yuu maamulli saw kuma soo ma ahan Jiritaanka Puntland ayaan eersanayaan haddii aan sii joogistaydda la ii ogollaan taas oo aan waafaqsaanyn xeerki u yaalay Puntland.

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: 
Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: 
Halkaan Riix

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)