Somali News
    Hees  

 

Sabti December 29, 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Heegan oo Hogaanka u qabatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta + Sawirro

MUQDISHO: Ciyaar aad loo wada sugaayay oo ka tirsan Horyaalkii 13 aad Kubadda Gacanta isla markaana ahayd ciyaartii ugu danbeysay ee wareegga hore ayay ku dhex martay garoonka 1 da   Luulyo (Ex-Lugijo) magaalada Muqdisho kooxaha Heegan iyo Horseed. Waxaa guusha si xarago leh  16-32 kula hoyday Kooxda Heegan oo hogaankana u qabtay Horyaalkan.

Ciyaartan oo ku bilaabatay  farsamo iyo kubad isku dhiib wanaagsan ay soo bandhigeen labada kooxood ayaa waxay  ahayd mid ku dheehan Asluub, weerar iyo weerar celis  u muuqday in qeybihii hore  ciyaarta isku dheelitiran tahay ayaa  qeybihii ugu dambeeyay  Heegan la soo baxday farsamo ka yaabisay Horseed - Ciyaaryahanada Cali Baraawiini iyo C/fitaax Buukaale ayaa waxay noqdeen  xiddigihii  kooxdooda u horseeday guusha. Iyagoo  goolal qurux badan ku asqeysiiyay Horseed.

Kooxda Heegan  oo difaacanaysa Horyaalka ayaa marna guuldaro la kulmin dhamaan kulamadii ay ciyaareen wareegga hore, waxayna xeeldheerayaasha isboorti qaarkood saadaalinayaan in horyaalkan ay gacanta ku dhigi karto si fudud maadaama ay ku kalansan yahiin ciyaartoy da`yar xirfaddooduna sareyso.

Daawashada ciyaartan xiisaha lahayd  ee Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan GOS, Madaxda Xiriirada  iyo Qurba joog Isboorti oo dalal kala duwan ka yimid. Waxayna ku soo idlaatay  si ay ku wada qanceen intii daawatay.

 

 

 KALA HOREYN KOOXAHA XAGGA DHIBAHA:-

 

#

MAGACA  KOOXDA

DHIBCAHA

1

HEEGAN

15

2

DEKEDDA

12

3

HORSEED

9

4

FERO

4

5

NATIONLINK

4

6

D/HOOSE

0

 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)