28 Mar, 2024
1 min read

Ciraaq: Farxaddii arooska ee murugada isku baddeshay ee ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Dab ka kacay xaflad aroos oo ku taal waqooyiga Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Saraakiisha difaaca ayaa waxay sheegeen in rashka laga shiday dabaal-degga gudaha hoolka degmada Xamdaniyah. Goobta ayaa la sheegay in lagu dhisay walxo si fudud u guban kara. Dabka ayaa ka kacay degmada Al-Hamdaniya […]

1 min read

Dowladda Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalkeenna Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay. Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal […]

1 min read

Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe

Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta. Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdaas […]

1 min read

Maraykanka oolacag Abaal marin ah oo gaaraysa 5-Milyan dul dhigay khabiir Al-Shabaab u qaabilsan samaynt Qaraxyada.

Barnaamijka Abaalmarinta Cadaalaadda ayaa ku yaboohaysa abaalmarin gaaraysa illa $5 milyan ciddi keenta macluumaad ku saabsan Cabdullahi Cusmaan Maxamed. Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxa uu mas’uul guud ka yahay isku dubarida howlaha qaraxyada ee al-Shabaab. Waxaa […]

1 min read

Rashford oo xerada tababarka la yimid gaari qaali ah, kaddib shilkii uu galay (Daawo)

Marcus Rashford ayaa dib ugusoo laabtay xerada tababarka ee Manchester United Isniintii kaddib shilkii baabuur ee uu galay iyada oo dhibaatada dhaawaca kooxdu uu sii yaraanayo kahor bilowga difaacashadooda Carabao Cup. Rashford wuxuu xerada tababarka ee Carrington ku yimid gaariga £600,000 oo gini ku fadhiya ee Rolls-Royce oo uu si xun ugu waxyeelleeyey mid kale oo £700,000 oo gini […]

1 min read

Maraykanka oo soo dhaweeyay codsiga Soomaaliya ee dib u dhigista bixitaanka ATMIS

Dowladda Mareykanka ayaa taageertay go’aanka ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ah in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) saddex bilood. Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero […]

1 min read

Sucuudiga oo ballan qaad aan la fileyn u sameeyay Falastiin.

Safiirkii ugu horreeyay ee Sacuudiga u qaabilsan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ballan qaaday in qadiyadda Falastiin ay “bud dhige” u noqon doonto heshiis kasta oo lagu wanaajinayo xiriirka dalkiisa iyo Israel. Nayef al-Sudairi ayaa hadalkan jeediyay kadib imaatinka wafdigii ugu horeeyay ee Boqortooyada Khaliijku ay ku tagto Daanta Galbeed muddo soddon sano ah. […]

1 min read

Dacwad loo heysto eedeysanayaal ka tirsan wasaaradda shaqada XFS oo la soo gabagabeeyey

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda FS, kuwaasi oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyad loo igmaday. Eedeysanayaasha ayaa ahaa ilaa afar ruux oo […]