Sports
Natiijooyinka Kulamadii Champions League ee Caawa kooxaha ku kala adkaadeen.
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul fudud oo aanay ku dhibaatoonin ka gaadhay kooxda reer Serbia ee Crvena Zvezda oo laba jeer shabaqeeda u ogolaatay xiddiga reer Argentina ee Julian Alvarez oo qaatay doorka hoggaaminta weerarka xilli uu soomanaa Erling Haaland oo nasiibku ka diiday fursadihii uu helay. Man City ayaa guul 3-1 ah […]
Ronaldo oo jidka ka mari waayey shacabka Iiraan ee ku nool caasimadda Tehraan.
Tehraan:- Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo dhoweeyay muuqaallo aan caadi ahayn markii uu gaarey dalka Iran iyadoo boqollaal taageereyaal ahi ay eryanayeen baska kooxda Al-Nassr kadibna ay xoog ku galeen hoteelka kooxda si ay u arkaan CR7. Kooxda Saudi Arabia ayaa lagu wadaa inay habeenka Talaadada ah la ciyaaraan kooxda fadhigeedu yahay Tehran ee Persepolis kulankooda furitaanka […]
Tababare Erik ten Hag oo go’aan ka gaaray mustaqbalka ciyaaryahan Sancho.
Jadon Sancho ayaa diyaar u ah inuu ka tago Manchester United, haddii uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ee sanadka soo socda, tani waxay dhici doontaa haddii 23-jirka khadka dhexe ee England uu sii joogo kooxda ilaa sanadka cusub. (Manchester Evening News). Erik ten Hag kama noqon doono go’aanka uu kaga dalbanayo ciyaaryahanka […]
Ciyaaryahan Achraf Hakimi oo ka hadlay dhul gariirkii saameynta badnaa ee ka dhacay dalkiisa Morocco.
In kabadan 2800 oo qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay Morocco habeenkii Jimcaha. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco, ahaana daaficii hore ee kooxda Real Madrid ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay dhulgariirka. “Waxaan ku jirnaa waqti adag dhammaan muwaadiniintayada walaalaha ah. Waxaa la joogaa waqtigii aan […]
Ciyaaryahan Paul Pogba oo si ku meel gaar ah looga joojiyay cayaaraha
Ciyaaryahanka Khadka dhexe ugu dheela kooxda Juventus, Paul Pogba, ayaa si ku meel gaar ah looga joojiyay cayaaraha kadib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu sareeyo hoormoonkiisa testosterone oo caadi ahana ku badan ragga. Ururka xakameynta dawooyinka ee Talyaaniga ayaa sheegay, in Pogba la baaray kadib guul daradii 3-0 ay Juventus kala kulantay Udinese […]
Kooxda Man United oo tababarka ka cayrisey laacibka Antony
Garabka Manchester United Antony ayaa aqbalay inuu dib u dhigo ku soo laabashadiisa kooxda “si uu wax uga qabto eedeymaha” weerarka la sheegay in uu ku qaaday gabadh ay xiriir wadaag ahayeen. 23-sano jirkaan ayaa lagu waday inuu ku soo laabto tababarka isniintii kadib markii laga saaray xulka Brazil ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Bolivia […]
Mustaqbalka Odegaard, Sancho, Salah iyo ciyaartoy kale iyo heshiisyada laga yaabo in ay saxiixaan.
Borussia Dortmund ayaa bilawday qorsheheeda ku aadan inay la wareegto ciyaaryahanka Manchester United, Jadon Sancho, oo 23 jir ah, Janaayo sanadka soo socda, haddii ay kooxdiisa is fahmi waayaan.(the Sun ayaa sidaasi qortay). Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay sii waddo wadahadalada ay kula jirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Norway Martin Odegaard, oo 24 […]
Xulka Kubadda Cagta Taliyaaniga oo mar kale niyad jab kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya.
Xulka Taliyaaniga ayaa niyad jab kale oo wayn kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya xili uu si xun ugu bilowday isreeb reebka Koobka Qaramada Qaaradda Yurub. Weeraryahanka Xulka Taliyaaniga Ciro Immobile ayaa gool u dhaliyay Taliyaaniga daqiiqaddii 47-aad, balse waxa la barbarreeyay daqiiqaddii 81-aad ee dhammaadka ciyaarta. Xulka Taliyaaniga ayaa leh 4 dhibic oo kaliya, waxa […]
Ciyaaryahan Neymar oo dhigay rikoor aan horay uga dhicin Brazil
Neymar ayaa dhaafiyay Pele oo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya raga taariikhda Brazil kadib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Bolivia. Weeraryahanka, oo 31 jir ah, oo soo galay ciyaartii isreebreebka Koobka Adduunka ee rikoorka jabiyay oo dhaliyay 77 gool, ayaa khasaariyay rigoore ka hor inta uusan laba gool dhalin qeybtii labaad […]
Suuqa kala iibsiga Sacuudiga oo xalay xirmay iyadoo Maxamed Saalax uu sii joogayo Liverpool.
Waxaa xalay si rasmi ah u soo xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Sacuudiga, wuxuuna suuqa xirmay iyadoo xidiga Liverpool, Maxamed Saalax uu joogo Anfield. Indhawaalaba waxaa aad loo hadal hayay in Saalax uu ku biiri doono kooxda Al-Itihaad oo ka disan Sacuudiga kahor intuusan suuqu xirmin, nasiib darro, Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay […]