Gen. Odawaa oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaas waxaana uu kala hadlay adkeynta ammaanka Galmudug.Gen. Odowaa warbixinno ayuu ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka qaybta 21-aad, kuwa laga qaaday Muqdisho & hoggaannada hoose ee Ciidamada Xoogga Dalka, dhankiisa wuxuu u gudbiyay howlaha loo baahan yahay inay ku dhaqaaqaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo todobaadkii hore tagay Magaalada Kismaayo ayaa bilaabay kormeyrka goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Dhanka kale illo ku dhaw Safarka Taliye Odowaa ayaa sheegay in safarkiisa Dhuusamareeb kaddib inuu tagayo Magaalada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle si uu u qiimeeyo xaaladda Ciidamada Xoogga Dalka & goobaha ay joogaan.

Ciidanka Xoogga Dalka & Militariga AMISOM waxay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta nabadgalyada Magaalooyinka lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka BFS, Booliiska Federalka, Dowlad-Goboleedyada AMISOM ay xaqiijinayaan ammaanka gudaha Magaalooyinkaas.