Dhiig Siyaasadeed cusub oo ku Daadanaya Dalka Yemen

Iyada oo ay ka jirto xaalad fadhiid ah iyo kala qaybsanaan u dhexeysa xoogagga siyaasadeed ee soo jireenka ah ee Yemen, gaar ahaan marka la eego dagaalka socday in ka badan toddobo sano, ayaa waxaa ka soo dhex baxay halganka hubeysan ee ka dhanka ah Maleeshiyada afgambiga ee Xuutiyiinta laba xoog siyaasadeed oo matalaya barta dhiila-tir siyaasadeed ee woqooyiga iyo koonfurta, halkii ay ka heli lahayeen shacbiyad ballaaran oo ay ku yeeshaan bulshada dhexdeeda, iyo xaalad aqbalaad caalami ah.
Afar sano ka hor, gaar ahaan bishii Maajo 2017, hoggaamiyaha caanka ah ee Dhaqdhaqaaqa Koonfurta, ahna Taliyaha ciidamada Muqaawamada Koonfurta Yaman , Sarreeye Gaas Aidarous Al-Zubaidi, ayaa ku dhawaaqay dhismaha Golaha Ku-meel gaarka ah ee Koonfurta, si uu u hogaamiyo rabitaanka dadka Gobalada Koonfurta , uuna u mideeyo qeybaha iyo shakhsiyaadka kala duwan ee reer Koonfureedka.
Waxaana markaas lagu asaasay go’aan isaga ka soo baxay Golaha Hogaaminta kuwaas oo ka kooban hogaamiyaasha Koonfurta ee door weyn ka qaadatay sidii dib loogu riixi lahaa Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee gobolada koonfureed.
Muddo gaaban gudaheed, Golaha Ku-meelgaarka Koofureed, oo albaabkiisa u furaya dhamaan xoogaga siyaasiyiinta, ayaa cadeeyey ujeedooyinkiisa. Waxa uuna isu keenay xisbiyo badan oo reer koonfureed ah oo is khilaafsanaa, wuxuuna noqday wakiilka ugu weyn ee qaddiyadda koonfureed.
Waxayna taas keentay inuu hanto shacbiyad ballaaran oo uu ku yeeshay gobolladaas, oo dadka ku nool ay horay uga niyad jibeen kala qeybsanaanta siyaasiyiinta reer Koonfureedka. Arintaas oo ku soo aaday xilli ay Meesha ugu sareysa mareysay dhaqdhaqaaqyada Jamaacada Ikhwaanul Muslimiinka oo ka faa’ideysanaya xaaladdaas markaas jirtay.
Waqtigaas, waxaa caddaatay Shacbiyadda Golaha kadib markii boqolaal kun oo bannaanbaxayaal ah ay ka qeyb qaateen mudaarahaad uu ku baaqay Golaha, oo ka dhacay Caasimadda Cadan iyo goboka Xad-Ramowt.
Waxaa caawiyay taariikhda hoggaamiyeyaashiisa, oo ammaan weyn u lahaa difaaca gobollada koonfureed. Taliyaha Ciidamada Muqaawada, Sarreeye Gaas Aidarous al-Zubaidi, ayaa ahaa kii hoggaaminayay dagaalladii lagula jiray maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee gobollada Al-Dhalac, Lahj iyo Cadan, taasoo keentay in la xoreeyo, ka hor inta uusan dagaal kale la gelin sanadkii 2016 isagoo taageero ka helaya ciidamda dalka Imaaraadka-maleeshiyada Alqaacida ee xukumeysay gobolo badan oo ay ku jiraan inta ugu badan magaalada Cadan iyo xeebaha Xad-Ramowt oo ka mid ah gobolada ugu weyn dalka Yemen.
Waxaa howl-galadaas uga wakiil ahaa ku xigeenka hogaamiyaha golaha ku meel-gaar ah Hani Bin Bariik. markii dambena, gobolladaasi waxay iska caabiyeen isku-dayada maleeshiyada Xuutiyiinta ay ku doonayeen in ay dib u qabsadaa, gaar ahaan gobolka Al-Dhalic, oo ku taala xadka gobollada waqooyi , oo ay ka socdeen baadiyaheeda dagaalo is-daba joog ah oo aysan ku guuleysan Maleeshiayda Xuutiyiinta in ay guulo ka keenaan, in kastoo uu khasaare xoog leh ka soo gaaray.
Si tartiib -tartiib ah, laakiin dhakhso badan, ayaa Golaha ku -meel gaarka ee Koofurta waxa uu noqday xubin muhiim ka ah saaxada siyaasada Koonfurta Yemen, haddii uusan kaligiis ahayn, iyo xubin door weyn ku leh dhibaatada Yemen guud ahaan, oo aan la dhaafi karin ama aan laga maarmi karin, gaar ahaan ka dib markii uu helay aqoonsiga dalalka gobolka iyo caalamkaba kadib markii la saxiixay Heshiiskii awood-qeybsiga ee Riyaad, kaas oo u dhexeeyay dowladda Yemen iyo siyaasiyiinta Koonfurta oo ay marti-gelisay dowladda Sacuudiga.
Heshiiska awood-qeysiga ee Riyaad, waxa uu ka dhignaa isbedel horumar oo uu sameeyay Golaha Koonfurta oo balaariyay xiriirkiisa heer gobol iyo mid caalamiba.Kaddib markii uu saxiixay heshiiska, madaxa golaha, Major General Aidarous al-Zubaidi, wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ka hor inta uusan u duulin bilo kadib caasimadda Ruushka ee Moscow, wuxuuna halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka. Wuxuu sidoo kale kulamo is-dabajoog ah la qaatay danjireyaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka u fadhiya dalka Yemen, kulamadaas oo u suurto-geliyay inuu gaarsiiyo qaddiyada reer koonfurdka fagaarayaasha caalamiga ah.
Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo siyaasadeed oo kala duwan, laba iskuma khilaafsana in Golaha ku meel-gaarka ah ee Koonfurta uu yahay xubin door weyn ku leh dhibaatada dalka Yemen, in kastoo mowqifyada siyaasadeed lagu kala duwanaan karo dalka Yemen, Ila-wareedyadaas ayaa sidoo kale tilmaamay in warbixinta Ergeyga Qaramada Miboobey ee Yemen Hans Garondberg ay xaqiijisay in heshiisyada nabada dalka Yaman aysan sii socon karin waqtiga fog hadii aysan door ku lahayn siyaasiyiinta reer Koonfureedka gaarintaankiisa. Madaxa golaha ku meelgaarka ee Koonfurta Yemen, ayaa safka hore koowaad kaga jiray kulamada uu la qaatay Ergeyga Qaramada midoobey siyaasiyiinta dalka Yemen.
Ergeyga Qaramada midoobey ayaa gaarsiiyay madaxa golaha ku-meel gaarka ah ee Yemen in ay lagama huraan tahay in goluhu uu ka qeyb qaato siyaasadda dalkaas iyo in si deg deg ah loo sameeyo wafdi wada xaajood wadajir ah oo ka kooban Golaha iyo xukuumadda Yemen.
Si la mid ah xaaladda Koonfurta Yemen, waxaa seddex sano ka hor gaar ahaan bilihii ugu horeeyay ee sanadkii 2018 la asaasay xoogaga wax-iska caabinta ee Waqooyiga Yemen ee uu hogaaminayo Dhaariq Maxamed Cabdullahi Saalax sidoo kale Xoogaga Muqaawamada Waqooyiga waxa ay dhaqso bilaabeen xoreynta gobolka saaxilka galbeed ee Yemen, iyagoo kaashanaya xoogaga “Camaaliqada koonfureed” iyo “Muqaawamada Tuhaamiyada”.
Howlagalada ciidan ayaa ka bilowday hareeraha xerada ciidan ee Al-Cumary ee degmada Duu-baab, halkaas oo laga xoreeyay Xuutiyiinta. Kadibna dagaalka waxa uu u sii gudbay degmooyinka Muwazac iyo Waaziciya ee dhaca gobolka Taciz, una jiheystay galbeedka dhinaca gobolka Xudeyda taas oo keentay in la xoreeyo degmooyinka Khookha, Xiis iyo Taxiitaa iyo qeybo muhiim ah oo ka tirsan degmooyinka Dareehimi, Xaali iyo Baytul Faqiih ilaa uu ka gaaro albaabka laga galo magaalada Xudeyda, iyadoo ciidamada muqaawamada ay gaareen Km 16, wadooyinka Sanca iyo Khamsiin iyo degmada Mandar oo dhacda afaafka koonfureed ee magaalada Xudeyda.
Hormarkaas weyn ee lagu gaaray mudada gaaban, waxa uu ka dhignaa isbedel ku yimid dhinaca ay u socoto dhibaatada dalka Yemen. Kadib markii ciidamada isbaheystay ee muqaawamada ay ku sigateen in ay xoreyaan magaalada Xudeyda oo ah magaalo xeebeedkii ugu dambeeyay ee ay ka taliyaan maleeshiyada Xuutiyiinta, una adeegsadaan saldhig laga soo dejiyo hubka ay ka helaan Iiraan, ayna Khalkhal ka geliyaan isu-socodka maraakiibta aduunka. Bulshada caalamka ayaa soo fara-gelisay arinta, waxayna ku qasbeen kooxaha siyaasadeed ee Yamaniyiinta in ay saxiixaan heshiiskii Stockholm ee aan qodobadiisa ilaa iyo hadda la fulin.
Heshiiskaas ayaa ahaa mid ka badbaadiyey Xuutiyiinta guuldaro la hubo oo ka qabsan lahayd magaaladaas muhiimka ah ee ku teedsan badda cas, ahna marin muhiim u ah isu-socodka xamuulada caalamiga ah, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo siyaasadeed oo aad uga warqaba xaalada dalka Yemen.
Natiijada ka dhalatay howlgaladaas ayaa noqotay in guusha ay helaan xoogaga la dagaalamayey Xuutiyiinta. Sidoo kale waxay keentay Soo kabasho horumarineed iyo mid amni iyo mid dhinaca adeegyada ee gobolka saaxilka galbeed ee Yaman kadib heshiiskii Stockholm, taas oo ay ku kasbadeen muqaawamada wadaniyiinta taageero bulsho oo balaaran.
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxa u ku dhawaaqay hogaamiyaha xoogaga wadaniyiinta Dhaariq Maxamed Cabdullahi Saalax sameynta xafiiska siyaasadeed ee Muqaawamada. Waxa uuna sheegay in uu muhiimadda siinayo dhisitaanka isbaheysiyo siyaasadeed iyo in la ilaaliyo guulaha ay gaareen muqaawamada. Durbadiiba xafiiska waxa uu helay taageero gudaha iyo dibadda ah taas oo ka timid safiirada Ajnabi ee fadhigoodu yahay Yemen.
Xafiiska waxa uu noqday minbar siyaasadeed oo ay leeyihiin kooxaha Muqaawamada, muhiimadiisana ay ka imaaneyso ahmiyada goobaha ay ka taliyaan ee saaxilka galbeed ee dalka Yemen, oo ah marinada muhiimka ah ee shixnadaha caalamiga ah ee Baabu Mandab.
Ila wareedyada waxay sabab uga dhigayaan horumarkaan siyaasadeed ee ay gaareen labadan kutladood ee matalaya Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen rabitaanka shacbiyadeed ee deg deg ee ay u qabaan xoogag firfircoon oo dhalinyaro ah kuwaas oo saameyn la dareemi karo ku leh Neydaanka, kadib markii Yamaniyiinta ay kalsoonida kala noqdeen xoogaga siyaasadda ee qadiimiga ah kuwaas oo ku fashilmay mudo sanado ah in ay keenaan guulo la taaban karo xitaa marka nabadgelyada jirto.
Labadan Kutladood ayaa ka mideysan dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan tahay ka dhab ahaanshaha dagaalka lagula jiro maleeshiyada Xuutiyiinta iyo in daacad loo ahaado isbaheysaga carbeed ee dagaalka kula jira.
QORE: Anwar Maxamed Cusman.
Contact:-anwar21013@hotmail.com
Afeef: Aragtida Qoraalkaan waxaa uu gaar yahay Qoraaga