Wasiirro, saraakiil ciidan iyo guddiga doorashada Puntland oo ka shiray amniga doorashada.

Muqdisho:-Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland iyo sarakiil ka socotay lamaha aniga kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Qoraal ay wasaaradda amniga Puntland kasoo saartay shirkaas ayaa lagu sheegay in is-faham iyo guul uu ku soo dhamaaday, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.