Dr Abdul Qadeer Khan: Aabbihii nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday.

Pakistan ayaa xaqiijisay Geerida Dr Abdul Qadeer Khan oo udub dhexaad u ahaa Barnaamijka Nukliyeerka Dalkaas kaddib markii loola cararay Isbitaalka KRL si looga daweeyo xannuun degdeg ah oo kusoo booday.Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Pakistan ayaa xaqiijiyay in Khan uu awoodi waayay neefsashada dabiiciga ah sidaas awgeed Isbitaalka loo geeyay si loo siiyo hawada macmalka ah balse intii lagu howlanaa howshiisa uu geeriyooday.

Seynisyahankaan waxa Maskaxdii ugu horreysay ee Dal Muslim ah ku hoggaamisay in uu sameysto Bambo Atomic, waxa uu mudnaan & heybad sare uu ku dhex lahaa Dalka Pakistan sida uu qiray Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalkaas Sheikh Rasheed Ahmad.

Dr Abdul Qadeer Khan waxa uu dhashay 1-dii April 1936-dii da’diisu waa 85-sano, waxaana uu ku dhashay Magaalada Bhopal ee Dalka India, dalkiisa waxaa looga yaqaanay “Aabaha Barnaamijka Hubka Nukliyeerka ee Pakistan”.

Khan waxa uu baaris dheeraad ah ku sameeyay Barnaamijka Nukliyeerka oo uu ugu dambeyn ku guuleystay raad-raaciisa, sidaas waxa uu ku galay diiwaanka xusuusta dalkaas oo awood u yeeshay in dalka ay deriska yihiin kana go’een ee India ka waabto.

Wasiirada Qorsheynta Asad Umar & kan Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa dhankooda fariimo ay soo geliyeen Barahooda xiriirka Bulshada ku muujiyay sumcadda Dr

Abdul Qadeer Khan oo ay ku tilmaameen halyeey sooyaalkiisa aan ka bixi doonin Maskaxdooda.

Khattak waxa uu geerida Seynisyahankaan ku tilmaamay nin muhiim u ah qaranka Pakistan oo maanta ka baxay isaga oo kaalin weyn ka qaatay difaacadda Qaranka oo sumcad wanaagsan & horumar muuqda uga tagay.