K/Galbeed oo diyaarisay qorshe ay ku qaadeyso Dadka ay soo masaafurisay Somaliland.

Dowlad Goboleedka  Koofur Galbeed ayaa dejisay qorshe ay ku qaadeyso Shacabka ay masaafurisay Somaliland si loo geeyo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas sida uu shaaciyay Guddiga gaarka ah ee uu Magacaabay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.Guddiga ayaa qorheeyay in goobo gaar ah la isugu geeyo Dadkaan laga soo dhex bixiyay Hantidooda & Hoygooda si diyaarado loogu qaado loona gaarsiiyo Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed.

Koofur Galbeed waxa ay garab weydiisatay Wakiilo ka socda Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay si ay gacan uga geystaan howlaha kala horreeya ee goob isu geynta Dadkaan, gurmad siinta & ka warqabka Xaaladdooda.

Somaliland waxa ay si qasab ah Gobolka Sool uga saartay Dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya 3-dii & 4-dii October 2021, bilaa wargelin ayaa dadkaan si qasab ah looga soo dhex bixiyay goobahooda ganacsiga & Guryihii ay degenaayeen.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa ay ka go’an tahay wax u qabashada dadka kor u dhaafaya labada kun ee ruux oo intooda badan ku sugan DG Puntland.