Madaxweynaha Galmudug oo Golihiisa Wasiirada la yeeshay kulan deg deg ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Xaaladda guud ee Amniga Galmudug iyo kordhinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta howlaha  Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiirada ayaa waxaa ay soo saareen qodobada soo socda.

1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.

Kulankaan deg dega ahaa oo uu Madaxweynaha Galmudug la yeeshay Golihiisa Wasiirada ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirkii Amniga Maamulkaas uu xilkii iska casilay, isla markaana Galmudug ay wajaheyso Ururka Ahlusunna oo hubeysan lana wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.