Ciidamada Ahlusunna oo bilaabay howlgallo ay ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgsduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ee dhawaan  la wareegay degmadaas ay Maanta bilaabeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay howlgal u aadeen degaano hoostaga degmada Guriceel, sida degaannada Jaw Burujeed & Daadaale, halkaas oo la sheegya inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab degaannada Koonfureed ee degmada Guriceel, halkaas oo ay dadka ku dhibaateeyaan.

Dadka Xoolo dhaqatada ah ee kunool degaannada Jaw Burujeed & Daadaale ayaa muujinaya cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo,.isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Hoggaanka Sar Sare ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel ciyeen in u jeedkooda uu yahau sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa xilli xiisad ay kala dhaxeeyso Madaxda Galmudug.