Al-Shabaab oo meel Fagaare ah ku toogtay Laba ruux.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaal degaanka Kamsuuma oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen laba Nin oo ay u jeediyeen Eedeymo kala duwan.labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland halka midka kale ay ku eedeeyeen in uu faraxumeeyay  Wiil 5 Sano jir ahaa.

Goobta fagaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan, waxaana ragga la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa kuna eedeeyeen in uu faraxumeeyay Wiil 5 Sano jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamed Faarax oo 24 jir ahaa, kaas oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer fagaaro ku toogtay dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya, waxaana maalin ka hor degmada Jamaame ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo mid ay ku eedeeyeen in uu ku Shaqeeysan jiray Sixirka.