Xildhibaano Hirshabeelle ah oo ku dhaawacmay Qarax Miino Magaalada Jowhar.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii Dhexe qarax ka dhacay Magaalaadaas ay ku dhaawacmeen Xildbibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.Xildhibaannada oo laba ah ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday wadada dhexmarta Bartmaha Magaalada Jowhar agagaarka Warshada Farjano, waxaana Xildhibaannada qaraxa ku dhaawacmay Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Iidow Kheyre.

Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa somaliweyn u sheegay in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, isla markaana Xildhibaannada oo lugeeynaya kana soo baxay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 5aad ee Hir-Shabeelle uu ku qarxay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar, waxaana wi ka hadlin laamaha Amniga Magaalada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xalay ilaa saaka ay howlgallo kala duwan ka wadaan agagaarka Goobta uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Qaraxaan ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli loo diyaar garoobayo in Magaalada lagu qabto doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.