Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday shil ka dhacay Mareykanka.

USA:-Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Jaamac, ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaaladda Chicago, gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.Ninkan ayaa waday Gaari nooca xamuulka ah ee loo yaqaanno (truck) ee u kala goosha magaalooyinka iyo gobolladda dalka Mareykanka.

Booliska Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa wada baaritaanno ku aaddan waxa sababay shilkan.