Kooxda Al-shabaab oo meel fagaare ah ku daldashay laba qof.

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe meel fagaare ah ku daldashay laba qof.Qoraal lagu shaaciyay bogga taabacsan kooxda Al-Shabaab ee SomaliMemo ayaa lagu yiri ” xukunno dil ah ayaa lagu ridday nin 59 sano jir ahaa kaasi oo lagu helay in uu Sixirka ku shaqeysan jiray.”

Al-shabaab ayaa sidoo kale isla halkaas ku dishay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada booliska ee maamulka Jubbaland.