Maansooley iyo Mr Midgaan: Sheekadii Mataan Cideed Qeebtii 1aad


Sheeko dhaxal gal ahoo Dhab ah una baahan in Jiilka cusub la baro si
Taariikhda Wadankooda u bartaan. Mr. Midgaan Runtiii aad ayuu u
Mahadsan yahay sida uu mar walba Bulshadiisa ugu soo Tabiyo Suugaanta
Taariikhiga ah ee Afkeena Hooyo.
Mr.Midgaan, waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqoonyahanka Beesha
Gabooye ee waliba u taagan Sumcadda iyo Halganka beelwaynta guud ahaan, waa Wadani beeshu ay leedahay, dad badan ayaa waxay aamin sanyihiin
in Xumaan mooyaane wanaagba aanan lahayn beelaha gabooye, sidaa
daraadeed waxa uu ku faanaa magaca” Midgaan” oo ah magaca loogu neceb
yahay beelaha Soomaalida, wax walba ha ku qaadatee waxa uu go’aan
saday inuu dhinaca wanaagsan tuso walaalaha Somaliyeed ee ay
qabyaaladdu kala geysay.

Mahadnaq. Webka somaliweyn
Wariye C/rashiid Cali Maalin