Laba Senator oo xalay lagu doortay magaalada Jowhar .

JOWHAR:-Baarlamanka maamulka HirShabeelle ayaa soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare, iyadoo xalay la doortay labadii kursi ee ka harsaneyd sideedda kursi ee maamulka ka soo galaya.

Labada Senator ee xalay la doortay ayaa kala ah; Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Zamzam Cabdullaahi.

Cali Shacbaan oo ku guuleystay kursiga 7-aad ayaa wareeggii saddexaad ka adkaaday Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, isaga oo helay 62 cod, halka Cabdulqaadir Xanafi uu helay 24 cod.

Kursiga ay ku guuleysatay Zamzam Cabdullaahi ayaa waxaa horey ugu fadhisay oo ay ka adkaatay Senator Naciimo Ibraahim. Zamzam ayaa heshay 77 cod, halka Naciima ay ka heshay 8 cod.

Maamul goboleedka HirShabeelle ayaa noqonaya kii labaad ee si buuxda u dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Puntland. Sidoo kale doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu soo geba-gebeeyey Muqdisho, toddobaadkii tegay.

Dhanka kale Maamullada Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa aan weli soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.