Farmaajo iyo Yoweri Museveni oo ka wada hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya.Kulanka  ayaa uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Uganda uga mahad celiyay kaalinta Ciidamadiisa ka qaadanayaan howlgalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Farmaajo oo wlei ku sugan dalka Itoobiya ayaa waxaa la filayaa in kulan doceedyo kale in uu la qaato Madaxda ka socota dalalka Afrika ee ka qeyb galay Xafladii Caleema saara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.